Ciidamada Jubbaland iyo DANAB oo howlgal ka fuliyay Jubbada Hoose [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Ciidamada maamulka Jubbaland, oo ay wehlinayaan kuwa DANAB, ee dowladda Federaalka ayaa howlgal miliateri oo wadajir ah ka fuliyay qeybo kamid ah gobolka Jubbada Hoose.

Taliyaha Ciidamada Jubbaland Jeneraal Aadan Maxamuud Ibraahim (Aadan Goojaar) oo xaqiijiyay in howlgalka uu ka dhacay degaanno ka yaalla duleedka degmada Jamaame, islamarkaana lagu beegsadey saldhiga kooxda Al-Shabaab halkaasi ku leedahay.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Taliyaha ayaa xusay in dagaal kooban oo ciidamada huwanta ku dhexmaray Araare, Bangeni, Koban iyo Xaaji Muuse oo dhamaantood hoostaga Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose lagu dilay 10 Al-Shabaab katirsanaa.

Al-Shabaab dhankeeda wali kama aysan hadlin hadalka Taliyaha ciidamada Daraawiishta Jubbaland.

Howlgalkan ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan uu Taliyaha ciidamada xoogga dalka, Jen Indha-Qarshe uu booqdey degaanada duleedka Kismaayo, ee ay isku hor-fadhiyaan Al-Shabaab iyo ciidamada Qaranka iyo kuwa Jubbaland.

Al-Shabaab ayaa ku awood badan gobollada Jubbooyinka, iyadoo si buuxda u maamusho gobolka Jubbada Dhexe, waxaana sidoo kale weeraro joogto ah ku qaadaa ciidamada ku sugan duleedka magaalada xeebta leh ee Kismaayo, oo xarun u ah Jubbaland.

Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacidda, ayaa laga saarey Kismaayo 2012, balse waxay ku sugan tahay degaanada ku dhaw magaalada, oo ciidamada Jubbaland, Kenya, kuwa Mareykanka ay mudo 6 sano ah awoodi waayay inay ka saaraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DP World: "Xiisadda Soomaaliya iyo Imaaraadka ma saameyn doonto shaqada dekedda Berbera"

Xaaladdan ayaa timid ka dib markii dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay gebi ahaanba xiriirkii iskaashiga u jartay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    13-01-2026

  • 01:37PM

Go’aankii dowladda Federaalka ee heshiisyada Imaaraadka oo la kulmay diidmo adag

Ilaa hadda, dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan jawaabin diidmada wadajirka ah ee ka timid Jubaland, Puntland iyo Somaliland.

  • Soomaliya

    13-01-2026

  • 09:18AM