Ciidamada Jubbaland oo dilay 4 katirsan Al Shabaab

Image

KISMAYO, Somalia– Afar xubnood oo katirsanaa Kooxda Al shabaab ayaa lagu dilay Dagaal culus oo maanta ka dhacay deegaanka Cabdi-Dhoore, ee gobolka Juabbada Hoose.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidamada maamulka Jubbaland ay weerar ku qadeen Deegaanka Cabdi-Dhoore, oo qiyaastii 40KM dhank Galbeed uga began magaalada Kismaayo.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Jubbaland ayaa bur buriyey Bar fariisin ah oo ay Malleeshiyada Al-Shabaab Canshuur ku qaadi jireen sida ay sheegeen Saraakiisha maamulkasi.

Dadka Deegaanka ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in Dagaalka dhexmaray Ciidamada maamulka Jubbaland iyo Al Shabaab uu haa mud xoogan, oo socday mudo saacado ah.

Wararka ayaa sheegay in Al shabaab laga saarey Deegaanka, kadib markii looga awood roonaadey Dagaalkii saaka, kaasi oo afar looga diley kuwa kalena nolosha lagu qabtey.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Al shabaab oo ku aadan Dagaalka Cabdi-Dhoore.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM