Ciidamada Kenya iyo Al-shabaab oo ku dagaallamay J. Hoose

Image

May 18, 2015 (GO)- Dagaal xooggan oo u dhexeeya ciidamada Kenya ee qaybta ka ah AMSIOM iyo ururka Al-shabaab ayaa ka dhacay deegaanka Xareeri-Hoosley ee ku yaalla gobolka Jubbada Hoose gaar ahaan xadka u dhexeeya Somalia iyo Kenya.

Iska-hor-imaadka ayaa bilowdey kadib markii kooxo ka tirsan Al-shabaab jidka u galeen kolonyo ciidanka Kenya kamid ah oo kasoo baxay fariisin ay ku leeyihiin deegaanka Khadiijo Xaaji.

Inta la ogyahay shan askari oo ka kala tirsanaa labada dhinac ayaa dagaalka ku geeriyoodey, waxaa sidoo kale la gubey mid kamid ah gaadiidka gaashaaman ee ciidamada Kenya.

Rasaas culus ayey labada dhinac isku rideen, waxaana dagaalka ka qayb qaatey diyaaradaha dagaalka, sida laga soo xigtey dadka deegaanka.

Ciidamo Kenyan ah oo gurmada ayaa goobta soo gaarey, waxaana deegaanka lagu dagaalmay ka qaxay tobannaan qoys oo reer guuraa u badnaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM