Ciidamada Kenya oo faarujiyay degmada Baardheere

Image

BAARDHEERE, Somaaliya - Ciidamada Kenya, ee qeybta ka ah AMISOM ayaa lagu soo waramayaa inay saaka faarujiyeen degmada Baardheere, ee gobolka Gedo xilli ay soo kordhayaan weerarada Al shabaab ee degmooyin ku yaalla gobolkaasi.

Ciidamada Kenya u ruqaansadeen dhanak degmada Beled Xaawo, oo 4KM u jirta Xuduuda Kenya. Wararka ayaa sheegaya in Ciidamo katirsan Jubbaland iyo kuwa Ethiopia ay la wareegeen Mas'uuliyadda amaanka magaalada.

Waxaa maqan Isgaarsiinta magaalada tan iyo xalay, iyadoo taasi lagu micneeyay inay la xiriirto ka bixitaanka Ciidamada Kenya ee Baardheere.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa ku sugan gobolka Gedo, xilli Al shabaab ay weerartay Beled Xaawo iyo Ceel Waaq Todobaadkan.

Warar ayaa sheegaya in amaanka Baardheere iyo degmooyin kale lagu wareejinayo Ciidamada Liyu Boolis, kuwaasi oo bedeli doona Ciidanka Kenya, ee qeybta ka ah Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM.

Al shabaab ayaa aad ugu xoog badan deegaanada dhanaca xadka, oo la rumaysan yahay inay ka abaabulaan weerarada ka dhanka ah Kenya iyo Ciidamada ku sugan gobolka Gedo.

GAROWEONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM