Ciidamada Kenya oo faarujiyay degmada Baardheere

Image

BAARDHEERE, Somaaliya - Ciidamada Kenya, ee qeybta ka ah AMISOM ayaa lagu soo waramayaa inay saaka faarujiyeen degmada Baardheere, ee gobolka Gedo xilli ay soo kordhayaan weerarada Al shabaab ee degmooyin ku yaalla gobolkaasi.

Ciidamada Kenya u ruqaansadeen dhanak degmada Beled Xaawo, oo 4KM u jirta Xuduuda Kenya. Wararka ayaa sheegaya in Ciidamo katirsan Jubbaland iyo kuwa Ethiopia ay la wareegeen Mas'uuliyadda amaanka magaalada.

Waxaa maqan Isgaarsiinta magaalada tan iyo xalay, iyadoo taasi lagu micneeyay inay la xiriirto ka bixitaanka Ciidamada Kenya ee Baardheere.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa ku sugan gobolka Gedo, xilli Al shabaab ay weerartay Beled Xaawo iyo Ceel Waaq Todobaadkan.

Warar ayaa sheegaya in amaanka Baardheere iyo degmooyin kale lagu wareejinayo Ciidamada Liyu Boolis, kuwaasi oo bedeli doona Ciidanka Kenya, ee qeybta ka ah Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM.

Al shabaab ayaa aad ugu xoog badan deegaanada dhanaca xadka, oo la rumaysan yahay inay ka abaabulaan weerarada ka dhanka ah Kenya iyo Ciidamada ku sugan gobolka Gedo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM