Ciidamada Kenya oo weeraray Saldhig Al-Shabaab, 24 xubnood oo la dilay

Image

NAIROBI, Kenya - Dagaal culus oo ka dhashay weerar gaadmo ah oo ay ciidamada Kenya ku qaadeen saldhig Al-Shabaab ku leedahay tuulada Bilis Qooqaani, oo duleedka degmada Afmadow ayaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dadka degaanka ayaa u sheegay warbaahinta in iska hor-imaadka uu socday ku dhawaad 30 daqiiqo, oo laysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, oo kusoo dhacayey dhagahooda.

Howlgalkaan oo dhacay saqdii dhexe ee xalay oo Jimco ahayd ayaa qoraal kasoo baxay Taliska ciidamada Difaaca Kenya waxaa lagu sheegay inay ku khaarijiyeen 24 kamid ah dagaalamayaasha hubeysan ee xiriirka la leh Shabakada Al-Qaacida.

Kenya ayaa qiratay in howlgalka ay uga dhaawacmeen saddex kamid ah Askarta sida gaarka ah u tababaran ee fuliya howlgalada qaaska ah, kuwaasi oo dhowaan lagu soo biiriyay ciidanka wadankaan ku yaala Geeska Afrika.

"Ciidamada Kenya oo howlgal ka fuliyey tuulada Bilis Qooqaani, waxay ku dileen 24 kamid ah Al-Shabaab. Sidoo kale, waxaa lagu furtay Hub isugu jira AK-47 ah iyo kuwa culus. Nasiib daro, 3 askari ayaa dhibaato naga soo gaartay," ayaa lagu yiri qoraalka.

Ma jiro jawaab kasoo baxay xoogaga Al-Shabaab oo ay uga jawaabayaan sheegashada taliska ciidamada Difaaca Kenya, inkasta oo horey aysan uga jawaabi jiray, marka laga reebo xaaladaha qaar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM