Ciidamada Soomaaliya oo Al-Shabaab ka saarey degaan muhiim ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee xooga dalka ayaa maanta oo Talaado ah waxay dagaal ku qabsadeen tuuladda muhiimka ah ee Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliyaha xoogaga lugta ee milatariga Soomaaliya oo xaqiijiyey la wareegitaanka ayaa wuxuu si cad uga gaabsaday in uu ka waramo khasaaraha ka dhashay iska hor-imaadka.

"Ciidamada ayaa isku fidiyey guud ahaan degaanka. Xaaladduna haatan waa mid degan," ayuu Jeneraal Odoyaa Yuusuf Raage u sheegay warbaahinta ku hadasha afka dowladda federaalka.

Raage, oo xusay in askarta ay bilaabeen baaritaano, ayaa intaasi ku daray in dagaalameyaasha Al-Shabaab ay ka saareen degaanka, inkasta oo uusan ka warbixin halkay ku sugan yihiin.

Dadka degaanka ayuu ku booriyey in ay soo dhaweeyan askarta, wallow uusan kala caddeyn hadii ay baaqi kusii ahaan doonan maadaama looga bartay in ay soo faarujiyan goobaha ay xorreeyan.

Dhinaca kale, kooxda gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacidda illaa iyo haatan kama aysan hadlin is-rasaaseynta iyo gacan ku haynta tuulada oo ay lumiyeen.

Sikastaba ha ahaatee, Awdheegle, oo 70 KM dhanka Koonfur Galbeed uga aadan Muqdisho, caasimadda waddanka, ayaa sanadihii dambe waxaa isku bedelayey ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo taageertay in wadahadal lagu xaliyo khilaaf doorasho iyo dastuur 

Qaramada Midoobay ayaa tilmaantay in madashani ay muhiim u tahay xoojinta wadajirka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 12:58PM

Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay Kudhaa kadib dagaal culus

Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay gaadiid dagaal iyo hub ay ciidamada ka furteen Al-Shabaab, oo katirsan Al-Qaacida.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 09:40AM