Ciidamada Soomaaliya oo Al-Shabaab ka saarey degaan muhiim ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee xooga dalka ayaa maanta oo Talaado ah waxay dagaal ku qabsadeen tuuladda muhiimka ah ee Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliyaha xoogaga lugta ee milatariga Soomaaliya oo xaqiijiyey la wareegitaanka ayaa wuxuu si cad uga gaabsaday in uu ka waramo khasaaraha ka dhashay iska hor-imaadka.

"Ciidamada ayaa isku fidiyey guud ahaan degaanka. Xaaladduna haatan waa mid degan," ayuu Jeneraal Odoyaa Yuusuf Raage u sheegay warbaahinta ku hadasha afka dowladda federaalka.

Raage, oo xusay in askarta ay bilaabeen baaritaano, ayaa intaasi ku daray in dagaalameyaasha Al-Shabaab ay ka saareen degaanka, inkasta oo uusan ka warbixin halkay ku sugan yihiin.

Dadka degaanka ayuu ku booriyey in ay soo dhaweeyan askarta, wallow uusan kala caddeyn hadii ay baaqi kusii ahaan doonan maadaama looga bartay in ay soo faarujiyan goobaha ay xorreeyan.

Dhinaca kale, kooxda gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacidda illaa iyo haatan kama aysan hadlin is-rasaaseynta iyo gacan ku haynta tuulada oo ay lumiyeen.

Sikastaba ha ahaatee, Awdheegle, oo 70 KM dhanka Koonfur Galbeed uga aadan Muqdisho, caasimadda waddanka, ayaa sanadihii dambe waxaa isku bedelayey ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 11:58AM

Villa Somalia oo go'aan ka gaartay qofka noqonaya Madaxweynaha xiga ee Koonfur Galbeed

Heshiiskan cusub ayaa loo arkaa mid si weyn u beddeli doona jihada siyaasadeed iyo nabadgelyo ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 05:04AM