Ciidamada Soomaaliya oo degaano muhiim ah ka qabsaday Al-Shabaab

Image

BAARDHEERE, Jubbaland – Taliska Ciidamada Soomaaliya ayaa shaaciyey in saddex tuulo oo Istaraatiiji ah ay ka qabsadeen dagaalameyaasha Al-Shabaab kadib howlgalo ay ka fuliyeen gobolka Gedo.

Degaanada AlShabaab laga saarey ayaa kala ah; Cali Xareyd, Gubad-xaar iyo Juungal, sidda laga soo xigtay war kasoo baxay taliska qeybta 49-aad ee ciidanka xoogga dalka.

Dhame Cali Maxamed, Taliyaha qeybta 49-aad ee Ciidanka Xoogan Soomaaliya, oo tibaaxay in howlgalada ay sii socon doonaan ayaa sheegay in ay geysan khasaaro wallow uusan cayimin.

"Kooxaha argagixisada ah mala bac-bacdhigi karaa ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed. Waxaana naga go'an in aan sii baacsano," ayuu raaciyey Maxamed oo wariyeyaasha la hadlay.

Dhanka kale, taliyaha oo soo qaadey xubnaha Shabaabka ah ee dhowaanahaan isa soo dhiibaya ayaa ku tilmaamay "guulo weyn" isaga oo ragga kale ee baaqiga kusii ahna ku tartarsiiyey in ay kasoo goostan ururkaasi.

"Waxaan leenahay kooxdaasi mustaqbalkiina ayey lumineysaa. Sidaasi awgeeda, balanqaadii madaxweyne Farmaajo wali waa halkiisii, waana idin soo dhaweynaynaa hadii aad kasoo baxdaan," ayuu daba dhigay.

Howlgalada milatariga Soomaaliya ka sameynayaa gobolada ayaa qeyb ka yahay qorshaha bixitaanka xoogaga AMISOM, kaasoo dhamaadka 2020-ka mas'uuliyada amniga dalka ugu wareejinayaa ciidamada xooga dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM