Ciidamada Soomaaliya oo gubay gaari qarax lagu soo rakibay

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska ciidanka Soomaaliya ayaa Isniinta maanta ah wuxuu sheegay in ay gubeen gaari noociisu yahay Saaruf oo lagu soo xiray waxyaabo qarxa.

Sidda laga soo xigtay taliska, gaariga oo uu waday naftii halige ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa lagu gubay degaanka Tooratoorow ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, taliyaha guud ee ciidamadda Soomaaliya oo u waramay Idaacada ku hadasha afka ciidanka, ayaa sheegay in ciidanku hayeen xogta gaariga.

"Ciidanka kumaandooska Danab ayaa howlgal ay saaka sameeyeen waxay ku guuleysteen in ay ka hortagaan falkaas argagixiso," ayuu yiri. "Gaariga wuxuu kusii jeeday Muqdisho".

Balse, taliyaha ma uusan bixin tafaasiil ku saabsan qaabka loo gubay gaariga iyo aaladda ay adeegsadeen ciidanka Danab ee Mareykanka uu tababaray.

Sawirro iyo muuqaalo ay baahisay warbaahinta dowladda oo la sheegay in laga soo qaadey goobta lagu gubay gaariga ayaa muujinaya Uuro cirka isku sii shareereysa.

Gubida baabuurka ayaa kusoo hagaagaya xilli maalmihii lasoo dhaafay ay jireen digniino dhanka ammaanka ah oo ku saabsan in Al-Shabaab qaraxyo gaari ay fulin karto.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM