Ciidamada Soomaaliya oo "soo furtay" dad u xirnaa Al-Shabaab

Image
Image

KISMAAYO, Jubbaland – Ciiidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya ayaa shaaciyey in todobaadkii hore ay soo furtaan dad u xirnaa ururka Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida.

Shaqsiyaadkan oo tiradooda lagu sheegay 20, kuwaasoo isugu jira dad waaweyn iyo dhalinyarro ayaa waxaa la tilmaamay in lagu haystay degaanka Tontoy ee dhaca waqoyga magaaladda Kismaayo.

Sawirro iyo muuqaalo uu baahiyey taliska guutadda Danab oo uu milatariga wadanka Mareykanka tababaro ayaa waxaa kasoo muuqday rayidka oo lagu daad-gureynayo gaari nooca xamuulka ah.

War saxaafadeed kasoo baxay xoogaag dowladda ayaa nan lagu caddeyn qaabka loosoo badbaadiyey shacabka iyo hadii uu dhacay iska hor-imaad sababay khasaaro isugu jira naf iyo maalba.

Shabaab ayaa dhowaan shaacisay in ay u yimaadeen odayaal dhaqameedyo kamid ahaa kuwa soo xulay baarlamaanka federaalka kadib markii ay u yeertay. Lama ogga hadii dadka ay kamid yihiin.

Dhinaca kale, Al-Shabaaab ayaa nan wali wax war ah kasoo saarin sheegashada kasoo yeertay Kumaandooska dalka dhaca Geeska qaaradda Afrika.

Gobolada qaar ee dalka gaar ahaan Jubooyinka ayaa kamid ah meelaha ay joogitaanka weyn ku leedahay Al-Shabaab, halkaasi oo la tilmaamo in kooxdu ugu yaaliin saldhigyo waaweyn iyo xarumo ay dadka ku xirto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 11:58AM

Villa Somalia oo go'aan ka gaartay qofka noqonaya Madaxweynaha xiga ee Koonfur Galbeed

Heshiiskan cusub ayaa loo arkaa mid si weyn u beddeli doona jihada siyaasadeed iyo nabadgelyo ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 05:04AM