​Ciidamado Howlgal dad badan lagu soo qabtay ka fuliyay Burhakabo

Image

BUUR-HAKABO, Somalia- Toboneeyo qof ayaa lagu qabtay howlgal ay ciidamada dowladda Federaalka Somalia iyo AMISOM ay ka sameeyeen degmada Buurhakabo ee gobolka Baay.

Saraakiisha maamulka degmada ayaa sheegay in ciidamada ay baaritaanno ku sameeyeen xaafado kala duwan, islamarkaana ay qabteen dad lala xiriirinayo Al shabaab.

Ciidamada SNA iyo kuwa AMISOM ayaa xiray wadooyinka waawayn, xilliga uu socday Howlgalka baaritaanada xaafadaha iyo Gaadiidka dadweynaha kala duwan.

Col Maxa'ed Isxaaq, oo ah sarkaal sare oo katirsan Booliska Buurhakabo ayaa u sheegay GO in dadka ay soo qabteen su'aalo ku waydiinayaan saldhiga degmada, ciddii dambi lagu helana maxkamad lasoo taagi doono.

Taliyaha ayaa sheegay inay socon doonaan howgallada noocan ah, si ay u sugaan amniga, kadib markii dhawaan lagu dilay Madax sare oo uu kamid yahay Gudoomiyaha maamulka Degmada.

Kooxda Al shabaab ayaa mudooyinkii dambe xoojiyay weerareeda kala duwan,  ee Koonfurta Soomaaliya, si ay u carqaladayso Doorashada socdo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM