Ciidamo Ajnabi ah oo Dil iyo Kufsi ka geystay Shabeellaha Hoose

Image

QORYOOLEY, Soomaaliya - Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa lagu eedeeyay inay dil iyo Kufsi ay ka geysteen gobolka Shabeellaha Hoose, ee Koonfurta dalka.

Tacadiyada ayaa waxaa la sheegay inay ciidamada ka geysteen degaanka Gay-warow oo ku yaalla duleedka Magaalada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Cali Cismaan Aadan, oo kamid ah dadka degaanka ayaa u sheegay warbaahinta in ciidamada oo tuuladooda yimid shalay oo Talaado ahayd ay dileen Labo qof, islamarkaana ay dhaawaceen 9 kale, xili uu shaaca ka qaaday inay Kufsadeen Gabar da'yar ah.

“Ciidamada waxaan is-lahayn waxbay qabanayaan, laakiin waxaa dhacday inay si bareer ah u dilaan Labo qof oo shacab ah, ayna dhaawacaan 9 kale oo ay ku jirto Gabar ay kufsadeen,” ayuu Cali Cismaan Aadan ku sheegay wareysi uu bixiyay.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu shaaca ka qaaday in Gabadha la kufsaday ay da’deeda idhaxeyso 15-sano jir illaa iyo 20, wuxuuna ku nuux-nuux saday in dadka dhaawaca ah iyo kuwa la dilay ay kamid yihiin caruur.

Wuxuu ugu baaqay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya inay wax ka qabato arrintaan, si gaar ah wuxuu kaga dalbaday maamulka Koonfur Galbeed oo uu hoos-yimaado gobolka Shabeellaha Hoose inay soo fara-geliyaan arrinkaan.

“Waxa dhibkaan noo geystay waa ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda gaara ahaan Booliska ku sugan degmada Qoryooley oo tuuladda weerar kusoo qaaday,” ayuu Aadan raaciyay hadalkiisa.

Maamulka gobolka Shabeellaha Hoose oo arrinkaan ka hadlay ayaa xusay in eedeynta ka imaanaya dadka degaanka Gay-warow ay tahay mid aan waxba ka jirin, isagoo tilmaamay in ciidamada ay dagaal la galeen Shabaab uuna jiro khasaaro.

AMISOM wali kama aysan hadlin wararka ku saabsan kusfiga la sheegay in Askarteeda ka geysteen gobolka Shabeellaha Hoose, oo ay ka howlgalaan Ciidamada kasoo jeeda Uganda iyo Burundi.

Inta badan ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ee ku sugan gobolka iyo meelaha kale ee dalka waxaa lagu eedeeyaa inay geysteen tacadiyo ka dhan ah Aadanaha, inkastoo dhankooda ay gaashaanka ku dhuftaan eedaynaha loosoo jeediyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM