Ciidamo Baraawe Mushaar la'aan uga soo baxaya oo fariin u diray Farmaajo

Image

BARAAWE, Soomaaliya - Ciidamo katirsana Millateriga Soomaaliya ayaa ku hanjabay inay kasoo baxayaan degmada Baraawe, ee gobolka Shabeellaha Hoose halkaasi oo mudo shan sano ka badan ay ka difaacayeen Al-Shabaab.

Saraakiisha ciidamadan oo kamid ah guutada 6aad ayaa u sheegay warbaahinta in mudo 4 bilood ah aysan dowladda Federaalka ah bixin mushahaarka Askarta ku sugan aagaga difaaca iyo garaamka cuntadooda.

Waxay u qabteen Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu saddex maalmood uga soo jawaabo cabashadooda, hadii kale ay soo faaurin doonaan degmada Baraawe, oo duleedka ku suhan yihiin xoogaga Al-Shabaab.

Ciidamadan ayaa joogay Baraawe 5 sano iyo 5 bilood, waxaana gadoodkan hadd ay sameynayaan ka dambeeyay markii uu Ra'iisul Wasaare Khayre meel xaflad ah ka sheegay dhawaan in uusan jirin Askar mushaar ku leh Xukuumadiisa, isagoo kuwa cabanaya ku tilmaamay Askar aan diiwaan-gashaneyn, islamarkaana ku sugneyn xeryahooda.

Baraawe ayaa waxay Al-Shabaab u ahayd isha ugu weyn ee dhaqaalaha, maadaama laga dhoofin jiray dhuxusha, iyadoo sidoo kale saldhig u ahayd hogaamiyeyaasha ugu sareeya Kooxda kahor inta aan laga saarin 5 sano kahor.

Hadalka Khayre aya kiciyay ciidamada ku sugan aagaga hore ee difaacyada, gaar ahaan labada gobol ee Shaabeellooyinka, kuwaasoo sheegay in ay soo galayaan Muqdisho, hadii aan la siin xuquuqda ka maqan.

Al-Shabaab ayaa ka fulisay Muqdisho in ka badan 10 qarax iyo weerar lagu qaadey xaruumo wasaarado tan iyo markii gadoodka ciidamada uu billowday, iyadoo ka faa'idaysanaysa xaaladda jirta.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM