Ciidamo boolis AMISOM ah oo lagu daabula Baraawe

Image
Askartan ayaa qeyb ka noqonaya howlaha sugida Amniga coddeynta oo la filayo in asbuucyadda soo socoto ka bilaabato.

BARAAAWE, Koonfur Galbeed - Ciidamo Boolis ah kana tirsan howlgalka AMISOM ayaa maanta lagu daabulay magaalada Baraawe ee caasimadda rasmiga ah ee Koonfur Galbeed.

Baraawe ayaa ka mid ah goobaha loo asteeyay doorashada Golaha Shacabka waxaaa todobaadkii hore booqday Madaxweynaha Koofur Galbeed, Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta iyo Guddiyada doorashada.

Askartan oo aad u hubeysan ayaa waxaa la sheegay in ay qeyb ka noqonayaan howlaha sugida Amniga coddeynta oo la filayo in asbuucyadda soo socoto ka bilaabato.

Dhanka kale, ugu yaraan hal qof ayaa ku nafwaayey iska hor-imaad ka dhacay hoteel ku yaala magaalada xeebta leh ee Baraawe halkaasoo ay ka socotay doorashada dowladaha hoose, sida ay sheegeen goobjoogeyaal.

Dhacdadan oo maamulka degmada uusan fahfaahin waxay imaanaysaa xilli maalmihii u dambeeyay ay jireen tabashooyin beeleedyo ku saabsan dhismaha golaha degaankan.

Shalay oo ay taariikhdu tahay 10-ka October waxay ku beegan tahay maalinta ay hogaamiyeyaasha Soomaalida u muddeeyeen qabashada doorashada madaxtinimada.

Waa markii labaad oo dib-u-dhacan uu ku yimaado. Talaabaddan ayaa waxay imaanaysaa xilli waddanka uu wajahayo kala qeybsanaan siaasadeed u dhaxeysa madaxda ugu sareysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM