Ciidamo boolis AMISOM ah oo lagu daabula Baraawe

Image
Askartan ayaa qeyb ka noqonaya howlaha sugida Amniga coddeynta oo la filayo in asbuucyadda soo socoto ka bilaabato.

BARAAAWE, Koonfur Galbeed - Ciidamo Boolis ah kana tirsan howlgalka AMISOM ayaa maanta lagu daabulay magaalada Baraawe ee caasimadda rasmiga ah ee Koonfur Galbeed.

Baraawe ayaa ka mid ah goobaha loo asteeyay doorashada Golaha Shacabka waxaaa todobaadkii hore booqday Madaxweynaha Koofur Galbeed, Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta iyo Guddiyada doorashada.

Askartan oo aad u hubeysan ayaa waxaa la sheegay in ay qeyb ka noqonayaan howlaha sugida Amniga coddeynta oo la filayo in asbuucyadda soo socoto ka bilaabato.

Dhanka kale, ugu yaraan hal qof ayaa ku nafwaayey iska hor-imaad ka dhacay hoteel ku yaala magaalada xeebta leh ee Baraawe halkaasoo ay ka socotay doorashada dowladaha hoose, sida ay sheegeen goobjoogeyaal.

Dhacdadan oo maamulka degmada uusan fahfaahin waxay imaanaysaa xilli maalmihii u dambeeyay ay jireen tabashooyin beeleedyo ku saabsan dhismaha golaha degaankan.

Shalay oo ay taariikhdu tahay 10-ka October waxay ku beegan tahay maalinta ay hogaamiyeyaasha Soomaalida u muddeeyeen qabashada doorashada madaxtinimada.

Waa markii labaad oo dib-u-dhacan uu ku yimaado. Talaabaddan ayaa waxay imaanaysaa xilli waddanka uu wajahayo kala qeybsanaan siaasadeed u dhaxeysa madaxda ugu sareysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM