Ciidamo dheeri ah oo lagu daabulay wasaarada warfaafinta

Image
Dhanka kale, madaxtooyadda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay beenisay wararkan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamo dheeri ah oo ka tirsan koofiya Casta ayaa la geeyay gudaha dhismaha wasaaradda warfaafinta, sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ah weriyayaasha iyo shaqaalaha xarunta.

Arrintan ayaa timid xilli madaxweynaha waqtigu ka dhacay Farmaajo uu "amray in shaqadiisa uu sii wato" Fahad Yaasiin, madaxii Hay'adda Sirdoonka Soomaaliya oo uu shaqo joojin uu ku sameeyay ra'iisul wasaaraha xilgaarsiita Rooble.

Balse, sida ay ku warantay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da, Madaxtooyada ayaa dhanka kale sheegtay "in aanay jirin ciidamo dheeraad ah oo la geeyay dhismaha wasaaradda warfaafinta".

Warsaxaafadeed uu soo soo saaray Ra'iisul Wasaare Rooble ayuu dhanka kale xilka uga joojiyay Fahad Yasin waxaa lagu yiri: "Markii (ra'iisul wasaaraha) uu garwaaqsaday in warbixintii hay'adda (NISA) ee ku saabsanayd kiiska Ikraan Tahliil, aanay ahayn mid lagu qanci karo. Ra'iisul Wasaaraha wuxuu shaqada ka joojiyay Agaasimaha Guud ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir".

Midowga musharraxiinta ayaa bogaadiyey "go’aanka ay mas'uuliyadda ku dheehan tahay" ee ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble shaqada kaga joojiyey madaxii hay'ada NISA.

Shaqo joojinta Fahad Yaasiin Daahir ayay ku sheegeen "mid fure u ah caddaalad ay helaan qoyska Ikraan Tahliil oo la afduubay lana dilay". "Waxay kaloo billow u tahay soo celinta sumcada hay’adda," ayay raaciyeen.

Ugu dambeyn, agaasimaha cusub ee NISA, Bashiir Goobe, ayay ka rajeeyeen in uu soo celiyo sumcadii hay'addu lahayd. Qoyska Ikraan ayay hoosta ka xariiqeen in ay garab-taagan yihiin illaa ay cadaalad la helayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM