Ciidamo diyaarad gaar ah looga soo daabulay Dhuusamareeb

Image
Askartan ayaa la sheegay in lagu soo celiyey magaalada caasimada ee Muqdisho halkaas oo kalkii hore laga qaadey.

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu waramay in ay magaalada Dhuusamareeb diyaarado gaar ah kaga soo daabushay cutubyo kamid ah ciidamadda kumaandooska Gorgor.

Saraakiisha askartan oo xaqiijiyey dib-u-celinta ciidamadan ayaa ka gaabsadey in ay fahfaahiyaan sababta dhabta ah ee ka dambeysa wallow ay kusoo koobeen in ay la xiriirto "arrmo farsamo".

Askartan oo la qiyaasayo in ay u dhaxeyso tiradooda 100 illaa 300 ayaa la sheegay in lagu soo celiyey magaalada caasimada ee Muqdisho halkaas oo kalkii hore laga qaadey.

Cutubyadan ayaa qeyb ka ahaa dhaqdhaqaaqyadii ugu dambeeyay ee degaanada Galmudug gaar ahaan gobolka Mudug ka socday kuwaasoo lagu beegsanayay goobaha ay maamulaan Al-Shabaab.

Sida ay xaqiijinayaan warbixinadda horudhaca ah ee soo baxaya, goobihii ay ku sugnaayeen ciidamadan ayaa lagu wareejiyay cutubyo boolis ah kuwaasoo la qorsheynayo in ay adkeeyaan amniga.

Talaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli Galmudug ay u isku-diyaarineyso qabashada doorashooyinka xubnaha Aqalka Hoose ee ku metelaya baarlamaanka 11aad federaalka 4-ta sano ee soo aadan.

Nabad-gelyadda ayaa kamid ah caqabadaha ugu waaweyn ee horyaala guud ahaan doorashooyinka soo aadan ee Soomaaliya iyadoo laga cabsi qabo in Al-Shabaab ay saameyn ku yeelato xulista ergadda iyo odayaasha dhaqanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM