Ciidamo horleh oo lagu daabulay magaalada Dhuusamareeb

Image
Talaabadan ayaa la xiriirta "si ay looga hortago in Dhuusamareeb ay ku dhacdo gacanta Ahlu-Sunna".

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Dowlada Soomaaliya ayaa la sheegay in ay ciidamada Turkigu tababaray ee Gorgor ay ku daabushay magaalada Dhuusamareeb ee magaala madaxda dowlad goboleedkaas.

Sida ay sheegeen qaar kamid ah saraakiisha la hadashay warbaahinta maxaliga ah, talaabadan ayaa la xiriirta si ay looga hortago in Dhuusamareeb ay ku dhacdo gacanta Ahlu-Sunna.

Sidoo kale, saraakiisha oo magacyadooda ka gaabsadey ayaa laga soo xigtey in kooxda hubeysan ay hanatay degaano ku hareereysan caasimada tan iyo markii ay gacantooda gashay Guriceel.

Hogaanka Ahlu Sunna ayaa hadda ku sugan Guriceel. Sheekh Shaakir oo madax u ah kooxda hubeysan wuxuu sheegay in uu doonayo in ay dib ula wareegaan maamulka "si aan shacabka ugu adeegno".

Sida ay xaqiijinayaan warbixinadda horudhaca ah ee soo baxaya, goobihii ay ku sugnaayeen ciidamadan ayaa lagu wareejiyay cutubyo boolis ah kuwaasoo la qorsheynayo in ay adkeeyaan amniga.

Talaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli Galmudug ay u isku-diyaarineyso qabashada doorashooyinka xubnaha Aqalka Hoose ee ku metelaya baarlamaanka 11aad federaalka 4-ta sano ee soo aadan.

Nabad-gelyadda ayaa kamid ah caqabadaha ugu waaweyn ee horyaala doorashooyinka Soomaaliya iyadda oo laga cabsi qabo in Al-Shabaab ay saameyn ku yeelato xulista ergadda iyo odayaasha dhaqanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee khilaafka dastuuriga ah ee Soomaaliya u saameynayaa amniga Geeska Afrika?

Falanqaynta caalamiga ah ayaa ku baaqaysa in degdeg xal loogu helo khilaafkan ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 12:58PM

Muxuu salka ku hayaa safarka Xasan Sheekh ee Kenya ka dib dhammaadkii muddo-xileedkiisa?

Nairobi ayaa muddo dheer u adeegi jirtay xarun muhiim u ah go'aamada iyo wadahadallada siyaasadda Soomaaliya ee daaha gadaashiisa ah.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 07:01AM