Ciidamo isku-rasaaseeyay isgoyska Banaadir ee Muqdisho

Image
Warar horudhac ah waxay xusayaan in isku-dhaca uu salka ku hayo is-qabqabsi dhul.

MUQDISHO, Soomaaliya - Cutubyo ka tirsan ciidamadda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa aroornimada Khamiista maanta isku-rasaaseeyay isgoyska Banaadir ee bartamaha Muqdisho.

Warar horudhac ah oo qaar kamid ah laga helayo dadka degaanka iyo illo ka tirsan saraakiisha ammaanka waxay xusayaan in isku-dhaca uu salka ku hayo is-qabqabsi dhul.

Illaa haatan, ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalka. Cabsida laga qabo waxyeelo soo gaarta shacabka ayaa aad u sareysa maadaama aagaas ay ku yaalaan guryo rayid.

Goobjooge u waramay Idaacada maxaliga ah ee KULMIYE wuxuu sheegay in dagaalka ay soo qaadeen ciidamo uu horkacayo Farxaan Qoroole, taliyaha booliska gaarka ah ee gobolka Banaadir.

"Farxaan Qaroole wuxuu doonayaa in uu xoog ku qabsado gurigaas ay leeyihiin dadka shacabka ah. Dagaal hub culus ayaa la isku-adeegsadey," ayuu yiri goobjoogaha aan la shaacin magaciisa.

Taliska booliska Soomaaliya ayaan wali wax war ah kasoo saarin shaqaaqadan. Xiriiro uu warsidaha Garowe Online la sameeyay dhinacyadda kama aysan ka jawaabin dalabka.

Tacshiiradan ayaa kusoo beegmaysa xilli Muqdisho ay ka jirto xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay kiiska Ikraan Tahliil Faarax iyo u diyaar-garowga doorashooyinka kuraasta Somaliland iyo kuwa Banaadiriga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Laba Wasiir oo ka tirsan Dowladda Federaalka oo is casilay kadib ansixinta dastuurka cusub

“Shacabka Puntland ayaa kursigan ii igmaday,” ayuu yiri. “Ma ka mid noqon karo waxyeello gaarsiinaya iyaga iyo dowladdooda.”

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 05:33AM

Baarlamaanka Soomaaliya oo Meel-mariyey Wax-ka-beddelka Dastuurka xilli ay jirto Diidamo xooggan

Diidmadan ka timid Gollaa Mustaqbalka Soomaaliyeed, ayaa kusoo aadaysa xilli ay socdaan baaqyo ku aaddan in la ilaaliyo midnimada.

  • Soomaliya

    04-03-2026

  • 01:57PM