Ciidamo Itoobiyaan ah oo kasoo gudbay xadka Soomaaliya [Dhageyso]

Image

DOOLOW, Soomaaliya - Ciidamo cusub oo ka socda dalka Itoobiya ayaa kasoo gudbay maalmihii lasoo dhaafay xuduuda Soomaaliya kala wadaagto dalkaasi dhanka gobolka Gedo.

Ciidamadan oo lagu qiyaasay inay gaarayaan kun askari (1,000) islamarkaana wata ilaa iyo 30 gaari iyo baabuurta gaashaaman oo ku xiran hubka culus, ayaa usoo tallaabay magaalada Doolow ee Gobolkaasi

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Gedo Maxamed Xuseen Isaaq Al-qaadi, oo la haday VOA  ayaa sheegay in Ciidamadan ay ka caawin doonaan ciidamada Soomaaliya duulaan cusub oo ka dhan ah Al Shabaab.

Hadalka Gudoomiyaha ayaa imaanaya xilli dadka u kuurgala arimaha amniga madaxda dowlada iyo saraakiisha ciidamada AMSIOM ku eedeeyaan iney saxaafada ka shaaciyaan howlgalada lagu qaadayo kooxda Al-shabaab.

Dhaqdhaqaan ciidan ayaa yimid kadib markii bishii Oktoobar Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo booqasho deg deg ah uu ku tagey dalalka Uganda, Itoobiye iyo Jabuuti kuwasoo ka codsadey iney ciidamadooda soo kordhiyaan si ay uga qayb qaataan howlgalka uu ku dhawaaqey.

Farmaajo ayaa ololihiisa doorashada ku galey in dowlad uu hogaaminayo ka maarmi doonto tageerada ciidan ee dalalka darsiska ah gaar ahaan dalka Itoobiya balse arinkaas ayaa meesha ka baxey tan iyo intii Villa Soomaaliya wareejisay sarkaal ka tirsanaa Jabhadda ONLF.

Madaxda maamul goboleedyada iyo Dowladd Faderaalka oo kulan uga socdo Muqdisho ayaa kawada hadlay arrimaha amniga iyo sidoo sidii la isaga kaashan lahaa dagaalka Al Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM