Ciidamo ka tirsan AMISOM oo mushahaar la'aan ka cabanaya

Image

07 September, 2015(GO)-Dowladda Uganda ayaa xaqiijisay inaan wax mushahaar ah la siin Ciidamadeeda jooga Somalia ee qeybta ka ah kuwa Midowga Afrika.

Ciidamada Uganda qeybta 14aad oo Somaliya la geeyay bishii October ee sanadkii hore  laguna badalay kuwo kale ayaa ka cabanaya mushahaar la'aan dhan Sagaal bilood sida lagu qoray Wargeyska Daily Monitor ee ka soo baxa dalka Uganda

Afhayeenka Ciidamada Uganda Col. Paddy Ankunda ayaa xaqiijiyay inay jirto mushaar la’aanta heysata Ciidamadooda, hase ahaatee waxaa uu diiday in muddo 9-bilood uu mushaarka ka maqan yahay.

Ankunda ayaa sheegay inaysan mushahaar qaadan muddo shan bilood oo kaliya, halka intii ka horeysay ay helayeen xuquuqdooda.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya xilli taliye ku-xigeenka Ciidamada Uganda Lt Gen, Charles uu booqday Ciidamadooda ku sugan magaalada Marka, oo uu sheegay inuu u tagay sidii uu niyadda ugu soo dhisi lahaa.

Uganda ayaa ah waddanka ciidamada ugu badani ka joogaan Somalia ee qeybta ka ah howlgalka  Midowga Afrika.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mucaaradka iyo dowladda oo Muqdisho ku yeelanaya kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka

Dhinaca Golaha Mustaqbalka waxaa kulanka uga qeybgalaya xubno farsamo oo ay ku jiraan wakiillo ka socda Puntland iyo Jubbaland.

  • Soomaliya

    09-07-2026

  • 08:42AM

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM