​Ciidamo katirsan AMISOM oo Cadaado gaaray

Image

CADAADO, Somalia- Dufcaddii ugu horraysay ciidamo katirsan kuwa Midowga Afrika ee nabad ilaalinta u jooga Somalia, ayaa maanta gaaray degmada Cadaado oo xarun KMG u ah maamulka Galmudug.

Ciidamada AMISOM katirsan ee gaaray Cadaado, ayaa ka soo kala jeeda dalalka Jabuuti iyo Burundi.

Saraakiil katirsan ciidamada dowladda Somalia, ayaa xaqiijiyay in ciidamadan gaareen magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Ujeedka loo geeyay halkaas ciidamo katirsan AMISOM, ayaa lagu sheegay inay tahay sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen suggidda amniga doorashooyinka Somalia ka dhacaya bilaha soo socda.

Waxay sugi doonaan ammaanka goobaha doorashada sida ay noo sheegeen saraakiil katirsan ciidamada qalabka sida ee Somalia.

Saraakiisha ciidamada qalabka sida ayaa soo dhaweeyay ciidamadan, oo haatan fariisinno  ka samaystay qeybo ka mid ah magaalada, si ay xaqiijiyaan amniga guud magaalada Cadaado.

Dhawaan ayay ahayd markii Cadaado, ay tageen mas'uuliyiin katirsan xukuumadda waqtigeedu dhammaaday iyo guddiga doorashooyinka dadban ee dalka Somalia, kuwaasoo maamulka Galmudug kala hadlay arrimo ku aadan doorashada.

Imaanshaha ciidamadan ee degmada Cadaado, ayaa kusoo beegmaya xilli dagaal u dhaxeeyo ciidamo katirsan maamullada Puntland iyo Galmudug ay isku hor fadhiyaan Galbeedka magaalada Galkacyo.

Puntland, ayaa horay ugu eedaysay dowladda Federaalka Somalia, inay qayb ka tahay dagaalka kasocda xarunta gobolka Mudug iyadoo soo bandhigtay ciidamo katirsan NISA oo loo soo diray inay ka dagaallamaan gobolka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo isku keenay xulafadiisa Baydhabo xilli loolan adag loogu jiro hoggaanka Koonfur Galbeed

Dadaalladan isku xirka ah ayaa lagu soo beegay xilli la shaaciyay in doorasho qof iyo cod ah ay magaalada ka dhici doonto 28-ka April.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 10:48AM

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM