Ciidamo kawada tirsan DFS oo ku dagaalamay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada kawada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka ku dagaalamay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in iska hor-imaad culus uu ciidamada Xasilinta iyo kuwa Nabad Sugida ku dhexmaray Isgooska Sanca ee Muqdisho, kaasi oo ka dhashay khasaarooyin kala duwan.

Iska hor-imaadkan ayaa billowday kadib markii ciidamada Xasilinta ay toogasho ku dileen Labo Askari oo NISA kamid ahaa kadib markii ay diideen inay hubka dhigaan xilli uu socday howlgal amniga lagu sugayo.

Goob-jooge ayaa GO u sheegay in Is rasaaseyn saacado socotay ay labada dhinac goobta ku dhexmartay, iyadoo markii dambe laga awood roonaadey ciidamadii NISA ee ku sugnaa Isgoyska Sanca.

Meydadka labada Askari ee laga dilay NISA ayaa goobta looga dhaqaaqay, iyadoo laga qaatey hubkoodii.

Dhanka kale, iska hor-imaad kale ayaa ciidamo Boolis iyo Military ku dhex-maray xaafadda Siliga Ameerikaanka ee degmada Dharkeenlay, kadib markii ay ku dirireen goobo burburin ka socotay.

Askar katirsan Booliska Soomaaliya ayaa weerar ku qaaday ciidamo militir ah oo degan xaafada siliga Ameerikaanka, oo maamulka degmada uu kawado howlo lagu burburinayo guryo ka dhisan goobo aan sharci ahayn.

Guryaha la burburinayo waxaa la sheegay inay degan yihiin qoysaska Askar iyo Saraakiil katirsan Militariga, kuwaasi oo ka biyo diiday in meesha laga saaro.

Lama oga khasaaraha ka dhashay iska hor-imaadka, balse waxaa goobta gaarey ciidamo kale oo kala dhexgalay kuwa dagaalamayay, iyadoo xaaladda lagu soo celiyay sidoo hore ee deganaanta ah.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka jawaabay go'aanka Midowga Yurub ee xayiraadda Fiisaha ee la saarey Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay kasoo bixi waysay wadashaqeyntii ay ka rabeen.

  • Soomaliya

    26-06-2026

  • 06:27AM

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM