Ciidamo ku sugan Cadaado oo shaqo joojin sameeyay

Image

CADAADO, Somalia- Ciidamada Booliiska degmada Cadaado ee maamulka Galmudug, ayaa banneeyay fariisimaha ay ku leeyihiin magaalada iyagoo faarujiyay saldhigyada dhammaantood oo ay qaybtood ku xiranyihiin rag lagusoo eedeeyay dambiyo kala duwan.

Tallaabadan ayaa waxaa xaqiijiyay, Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Magaalada Cadaado Cumar Macalin oo la hadlay warbaahinta gudaha Somalia.

Sababta ayuu taliye Cumar ku sheegay intay tahay dhibaato dhinac nolosha ah oo lasoo daristay ciidamada kadib markii ay waayeen xuquuqda muddooyinkii ugu dambeeyay, taasoo keentay in qoyaysas badan ku bur-buraan markii ay ciidamadu waayeen masaariiftii carruurta iyo xaasaskooda.

Taliyaha ayaa intaas ku daray inaysan jirin cida katirsan Booliiska oo shaqo ka haya magaalada, balse taas badalkeeda gadoodeen oo ay banneeyeen goobihii muhiimka ahaa ee ay shaqada ka hayeen.

Wuxuu xusay in dowladda Somalia iyo maamulka Galmudug ku fashilmeen inay buuxiyaan baahida ciidanka oo tilmaamay inay ku shaqeeyaan xaalad adag.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca maamulka Galmudug oo ku aadan tan gadoodka ciidamada.

Arrintan mid lamid ah ayaa dhawaan ka dhacday degmada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaana lagusoo beegay xilli madaxda cusub dhawaan xafiiska ay la wareegeen kuwaasoo shaqaynaya wax ka yar Bil.

Madaxweynaha cusub ayaa ballan-qaaday inuu meel-saari doono xuquuqda ciidamada iyo mushaharkooda, balse waxay hadda dadaal ugu jirtaa sidii wax loogu qaban lahaa dadka u dhimanaya abaarta ka jirta Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM