Ciidamo la geeyay hoyga Xasan Cali Khayre iyadoo xiisaddu ka sii dareyso Muqdisho

Image

MUQDISHO – Ciidamo dowladda ka tirsan ayaa maanta la dul dhigay hoyga Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre, iyadoo ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka horreeya bannaanbaxa mucaaradka ee lagu wado inuu Jimcaha ka dhaco Muqdisho.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in ciidamada loo geeyay halkaasi si looga hortago abaabulka iyo dhaq-dhaqaaqyada la xiriira mudaharaadka ay mucaaradku qabanqaabinayaan.

Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa lagu tilmaamay mid aad u kacsan, iyadoo mucaaradka iyo dowladda Federaalka ay isku eedeynayaan hurinta xiisadda siyaasadeed iyo xaaladda amni ee caasimadda.

Mucaaradka ayaa ku adkeystay in bannaanbaxu dhici doono, iyagoo sheegay inuu yahay mudaharaad nabadeed oo looga soo horjeedo barakacinta iyo burburinta ka socota magaalada.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin ciidamada la geeyay hoyga Xasan Cali Khayre iyo eedeymaha mucaaradka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed oo Bogaadiyay Taageerada Turkiga ee Soomaaliya [Sawirro]

Wixii markaas ka dambeeyay, Turkigu ballaariyay gurmadkiisa bani’aadannimo iyo mashaariicda horumarineed ee uu ka fulinayay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    17-09-2026

  • 02:19PM

Wareysi Washington ka dhacay oo dhaliyey dhaliilo loo jeediyey Madaxweyne Cirro

Cirro ayaa 14-kii Sebtembar ka hadlay Hudson Institute, oo ah xarun cilmi-baaris…

  • Soomaliya

    17-09-2026

  • 03:28AM