Ciidamo lagu qarxiyey magaaladda Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax miino ah ayaa Sabtida maanta ah waxaa cutubyo kamid ah milatariga Soomaaliya lagula eegtay wadada Cabdiqaasim ee isku xirta isgoysyada KM4 iyo Tarbuunka ee Muqdisho.

Sidda ay warsidaha Garowe Online u sheegeen goobjoogeyaal telefoonka kula hadlay, ciidanka la qarxiyey ayaa saarnaa gaari noociisu yahay Cabdi Bile. Ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarkaas.

Illaa hataan, ma jirto koox dusha u ridatay mas'uuliyadda falkaas. Balse, dhacdooyinka noocaan ah waxaa looga bartay dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab ee gacansaarka la leh ururka Al-Qaacida.

Bishii hore ee November 27-deeda, 2020, is-miidaamin lagu beegsaday maqaaxida Gelato Divino ee ku taala wadada garoonka diyaaradaha Muqdisho halkaasoo ay ku naf-waayeen sideed dhalinyaro ahaa.

Al-Shabaab ayaa dusha saaratay weerarkaas. Taliska Booliska Soomaaliya wuxuu saxaafadda u sheegay in dhaawacyadda qaraxaas ay gaartey in ka badan 10 badankooda ah dad shacab ah.

Falalka liddiga ku ah nabad-gelyadda ayaa kusoo badanaya Muqdisho iyadda oo is-mari-waa uu ka taagan yahay habraaca guddiyadda doorashooyinka gaar ahaan xubnaha kamid noqonaya.

Murashaxiinta ayaa ku eedeeyay Villa Soomaaliya in ay ku dartay xubno dhankeeda u jaranjeera, wallow eedaas ay diidey dowladda. Jadwalka ay ku heshiiyeen dowlada iyo maamuladda waxaa ku yimid dib-u-dhac.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM