Ciidamo lagu qarxiyey magaaladda Gaalkacyo

Image

GAALKACYO, Puntland – Ciidamada Birmadka dowlada Puntland ee ka howlgala woqooyiga magaaladda Gaalkacyo ayaa caawa qarax lagula eegtay xarunta gobolka Mudug, sidda ay soo wariyeen illo wareedyo dadka degaanka ah.

Warar horudhac ah oo aan xaqiijin karin nooca qaraxa ayaa ku waramay in uu jiro khasaaro ka dhashay weerarkaas illaa haatan aysan jirin koox si rasmiya dusha u ridatay mas'uuliyadiisa.

"Qaraxa wuxuu ka dhacay agagaarka iskuulka Cumar Samatar," ayuu Faarax Axmed, oo ah qof kamid ah dadka degaanka oo khadka telefoonka ugu waramay warsidaha Garowe Online.

Sidda ay muujinayaan fahfaahinadda, ciidamadda la beegsaday ayaa wadday howlgalo ay ku sugayaan amniga maadaama maalmihii u dambeeyay ay soo baxayeen warar sheegaya in qarax uu ku jiro magaaladda.

"Dhimashada hal askari iyo dhaawaca laba oo ay wehliyaan tirro rayid ah ayaa lasoo sheegayaa. Balse, waxyeelada way kordhi kartaa maadaama goobta mashquul ahayd xilliga qaraxa," ayuu Faarax ku daray hadalkiisa.

Hay'addaha nabad-gelyadda dowladda Puntland ee ka howlgala waqoyga Gaalkacyo oo aan wali fahfaahin ka bixiyey dhacdadan ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku guuleystay xisilinta iyo nabad kusoo dabaalida magaalada.

Ciidamada maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay waxay xoojiyeen iskaashiga ay ku sugayaan amniga Gaalkacyo, waxayna soo qabteen dagaalameyaal Al-Shabaab iyo Daacish oo "dhagar culus maleegayay".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo go'aan adag ka qaatay taageerada amniga Soomaaliya

Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa la sheegay inay wadaan dadaallo lagu raadinayo xal waara oo lagu sii wadi karo hawlgalka.

  • Soomaliya

    18-07-2026

  • 09:33AM

C/kariin Ciidle oo lagu celiyay Mareykanka si uu u wajaho dacwad musuqmaasuq $250 milyan ah

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in Cabdikariim uu ka baxsaday Mareykanka kaddib markii dacwadaha lagu soo oogay sanadkii 2022.

  • Soomaliya

    17-07-2026

  • 09:13PM