Ciidamo taabacsan Ahlu Sunna oo la wareegay Matabaan

Image

BELEDWAYNE, HirShabelle – Cutubyo kamid ah askartii Ahlu Sunna ee lagu biiriyey ciidamadda xoogga qeybta Galmudug ayaa waxay maanta la wareegeen gacan-ku-hayanta qaybo kamid ah degmadda Matabaan ee gobolka Hiiraan, sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka saraakiil.

Sidda ay muujinayaan warbixinadda, ciidamadda oo hoostagayey qeybta 21aad ee xoogga dalka ayaa qabsaday saldhiga, kontaroolka laga galo magaaladda iyo xarunta maamulka degmadda.

Ma cadda sababta dhabta ah ee keentay talaabadan. Balse, waxay kusoo hagaageysaa xilli maalmihii lasoo dhaafay ay taagneyd xiisad ku saabsan lacagta laga uruuriyo kontaroolka oo ku dhici jirtay gacanta ciidamadda taabacsan dowlad goboleedka Galmudug.

"Waxaa loo maleynayaa in ciidamadda u jaranjeera Ahlu Sunna ay ka gadoodsan yihiin dhaqaalaha oo ay la wareegtay Madaxtooyadda Galmudug halkii ay ahayd in dib loogu celiyo degmadda," ayuu yiri wariye madax-banaan oo telefoonka kula hadlay warsidaha Garowe Online.

Mas'uuliyiinta ammaanka Galmudug iyo Wasaaradda Amniga dowlad goboleedka ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan arrinkan.

Hogaanka Ahlu Sunna ayaa haatan dibad-joog ka ah siyaasadda Galmudug ka gedaal markii looga adkaadey loolankii doorashooyinka oo Villa Soomaaliya ay kusoo saartay Villa Soomaaliya.

Dhaqdhaqaaqa ay sameeyeen ciidamadda taabacsan ururkan ayaa sidoo kale wuxuu kusoo aadayaa xilli xaaladda nabad-gelyadda maamulkan ay ka jirto habacsanaan badan isla markaana maalmihii lasoo dhaafay ay Al-Shabaab halkaas ka fulisay weeraro khasaaro sababay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM