Ciidamo Taabacsan Lafta Gareen oo Galay Baydhabo, Dagaal Culus oo Ka Socda Gudaha Magaalada
BAYDHABO – Ciidamo daacad u ah madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), ayaa saaka gudaha u galay magaalada Baydhabo kadib weerar aroornimadii hore ay ku qaadeen magaalada, sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.
Wararka ayaa sheegaya in dagaal culus uu haatan ka socdo xaafado ka tirsan Baydhabo, iyadoo la maqlayo rasaas iyo hubka culus oo ay isweydaarsanayaan dhinacyada iska hor imanaya. Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka, maadaama xaaladdu weli kacsan tahay.
Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xilli aad u xasaasi ah, iyadoo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed lagu wado in toddobaadkan lagu qabto doorashooyinka Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha maamulkaasi.
Lafta Gareen ayaa xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed laga qaaday 30-kii Maarso 2026, kadib toddobaadyo ay socdeen khilaafaadyo siyaasadeed oo sii xoogeysanayay iyo howlgal ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka fulisay magaalada Baydhabo.
Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Koonfur Galbeed ayaa sare u kacday tan iyo markii xilka laga qaaday Lafta Gareen, iyadoo taageerayaashiisa ay ku doodayaan in tallaabadaasi aysan waafaqsaneyn nidaamka sharciyeed, halka dhinacyada taageersan maamulka cusub ay ku adkeysanayaan in isbeddelka lagu sameeyay hoggaanka uu yahay mid sharci ah.
Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo abaabul amni ay ka socdaan qaybo kala duwan oo Baydhabo ah, iyadoo laga cabsi qabo in dagaalladu saameyn ku yeeshaan doorashooyinka la qorsheeyay in maalmaha soo socda la qabto.
Ilaa iyo hadda, ma jiraan war rasmi ah oo kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ama maamulka Koonfur Galbeed oo ku saabsan dagaalka maanta ka qarxay Baydhabo.
GAROWE ONLINE