​Ciidamo Turkish ah oo soo gaarey magaalada Muqdishu [SAWIRRO]

Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia - Ciidamo Military ah oo ka socda dalka Turkiga ayaa soo gaarey magaalada Muqdishu, kuwaasi oo hordhac u ah Askar badan uu kusoo wajahan dalka Somalia maalmaha soo socda.

Ciidamadan oo gaaraaya 200 oo Askari, oo wata Hub casri ah, ayaa kasoo dagay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdishu, iyagoo la socday Diyaarad ay leedahay Shirkadda Turkish Airlines.

Waxay loo daabuley Askartan Saldhigga cusub ee dowladda Turkiga ka dhisatay Deegaanka Jazeera, ee duleedka Muqdishu, kaasi oo la filaya in si rasmi ah loo furo bisha soo socota ee September, 2017.

Furitaanka Saldhiigan, oo ah midkii ugu ballaarnaa oo Turkiga uu ka sameysto Qaaradda Africa, ayaa la filayaa inuu kasoo qeybgalo Madaxweyne Erdogan, iyo Mas'uuliyiin sare oo ka socda dowladda Turkiga.

Safiirka Turkiga ee Somalia, Olgan Bekar, ayaa sheegay in Saldhiggan uu yahay mi Tababarayo Ciidamada Xoogga dalka Somalia, balse uusan aheyn mid Military oo lamid ah kan ay ka sameysteen dalka Qadar.

Olgan Bekar ayaa intaasi ku daray in Ciidamada Turkiga ee imaanaya Somalia ay yihiin oo kaliya Tababariyaal, islamarkaana aysan ka qeyb-qaadan doono Howlgalka Ciidamada AMISOM, Mareykanka iyo kuwa dowladda Somalia, ee lagula dagaalamaya Xoogaga Al shabaab.

Turkiga ayaa Dowladda Federaalka ka caawiya dhinacyada dhaqaalaha iyo Ciidanka, waxaana uu dalkiisa Tababar ku siiyay, kuna siiyaa hadda Askar badan, oo katirsan Booliska, iyo Ciidamada Cirka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM