Ciidamo xiray waddooyin kamid ah Baladweyne

Image

BELEDWEYNE, Somalia- Ciidamo katirsan Booliska mamaulka gobolka Hiiraan ayaa xiray maanta isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha magaalada Beledweyne.

Wararka naga soo gaaraya magaalada ayaa sheegay in ciidamada gadoodsan ay gaadiidka dagaalka ku jareen wadooyinka halbowlaha ah, sidoo kalena ay xireen Buundada kala qeybiso Kooshin iyo Xaawo Taako.

Saraakiisha hor-boodaya ciidamada gadoodsan ayaa sheegay in ay ka Cabanayaan mushaar la'aan mudo ka badan 6 bilood ah, iyo daryeell la'aan dhanka nolosha ah.

Xaaladda Beledweyne ayaa maanta aad u cakiran, waxaana wali jirin dadaallo ay samayeen maamulka gobolka Hiiraan taasoo wax looga qabanayo xaaladdan.

Gadoodka ciidamada ay ka sameeyeen Beledweyne ayaa imaanaya todobaadyo kadib markii dhawaan Midowga Yurub uu lacago gunnooyin ah siiyeen in ka badan 6,500 oo askari oo Booliska Somalia katirsan.

Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya ayaa dhawaan sidoo kale balanqaaday inuu bixin-doono xuquuqda ciidamada, iyo mushaarkooda, si ay u gutaan waajibaadkooda qaran.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM