Ciidan jooga badda Soomaaliya oo mudada loo kodhiyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Howlgalka Midowga Yurub ee la dagaalanka burcad-badeeda Soomaaliya ayaa loogu daray laba sano oo dheeraad ah ayadda oo waqtiga uu ka dhacayo 31-da December, 2022-ka.

Muddo kordhinta waxaa wehlisa awoodo dheeraad ah oo la siiyey taasoo dhaqan-galeysa laga bilaabo 1-da Janaayo, 2021, waxaana lagu xoojinayaa howlgalada ciidanka, baacsiga shuftadda iyo ilaalada maraakiibta.

Arrimaha kale ee mas'uulka ka yihiin waa kalluumeysiga sharci-darada ah, dhaafinta dhuxusha iyo hubka sharci darada ah si lamid ah maandooriyaha ayaa dhaqan-galaya laga bilaabo 1-da Janaayo ee sanadkan cusub 2021-ka.

Sidda ay warisay saxaafadda, waxaa jiri doonta goob si gaar ah loogu cayimayo kana mid ah Gacanka Cadan halkaasoo ay ka ugaarsan doonan arimahaas balse waa xilliga mas'uuliyiita EU-da ay go'aamiyaan.

"Isbedeladan waxay xoojinayaa ka war-qabka howlgalka ee xaaladaha badda iyo ka hortagga dhamaan nooc kasta oo dambiyadda biyaha ka dhaca," ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska howlgalka EU-da.

Ciidamadda Midowga Yurub ayaa biyaha Soomaaliya ka howlgalaya tan iyo 2011-kii waxaana ay baajiyeen isku dayo lagu qafaalan lahaa maraakiib wallow ay jiraan dambiyo kale oo dhacay ayaga oo ilaalo ka haya badda.

Dambiyada ugu caansan waxaa kamid ah kalluumeysiga sharci daradda ah iyo dhaafinta hubka sharci daradda ah – kuwaasoo ay ku lug-leeyihiin dalal la aqoonsan karo – balse aysan jirin cid xil iska saartey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM