Ciidan wata gaadiid dagaal oo xiray jidadka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Inta badan waddooyinka Muqdisho ayaa lagu waramay in saaka ay u xiran yihiin sababo aysan si rasmi ah u shaacin Laamaha Ammaanka Dowladda federaalka ah.

Jidadka caasimadda waxaa lagu arkayaa ciidamo wata gaadiid dagaal kuwaas oo gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay u diidaya in ay adeegsadaan waddooyinka ugu muhiimsan.

"Dhaqdhaqaaq kooban ayaa ka jira jidadka degmooyinka qaar ee magaalada. Balse, waxaa intooda badan xalay lagu daadiyey ciidamo kuwaas oo wata Beebeyaal," ayuu yiri qof goobjooge ah.

Xiritaanka waddooyinka Muqdisho ayaa kusoo hagaagaya xilli hardanka siyaasadeed ee ka taagan doorashooyinka 2020-21 uu wali meel culus marayo isla markaana heshiis rasmiya aan la gaarin.

Sidoo kale, waxay kusoo timid xilli lagu waddo in shir u dhaxeeya Dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyadda kuna saabsan xalka xaaladda cakiran uu ka bilowday magaala madaxda.

Shirkaas waxaa hareeyay xaalado dhanka amniga ka gedaal markii Al-Shabaab ay maalmo kahor sheegatay weerar madaafiic oo lagu ekeeyay xerada Xalane oo ah goobta shirka ka dhacayo.

Puntland iyo Jubaland ayaa horey u dalbaday in shirka uu ka dhaco Xalane kadib markii ay si cad u sheegeen in aysan ku kalsoonaan karin goobaha ay amnigooda sugto dowladda federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM