Ciidanka DF oo weeraray maleyshiyaad dagaalamay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ciidamadda dowladda Soomaaliya gaar ahaan booliska Haramcad iyo milatariga ayaa xalay howlgal qorsheysan ku qaadey xaafado ka tirsan degmada Kaaraan ee Muqdisho.

Sidda ay wararku sheegayaan, howlgalka waxaa la doonayey in lagu soo qabtay isla markaana hubka looga dhigo ciidamo ka tirsan dowladda balse la sheegay in ay qaab beeleed u abaabulnaayeen.

Maleyshiyada dagaalantay ayaa lagu waramay in ay kala taageerayeen saraakiil ciidan kuwaasoo isku haysta dhul.

Warbixinadda ayaa intaas ku daraya in howlgalka ay qaadeen ciidamadda dowladda uu natiijo la’aan kusoo dhamaadey ka gedala markii xogtooda ay gaartay maleyshiyadda kuwaasoo baxsaday.

“Ciidanka dowladda oo ku watay gaadiidka gaashaaman ee dagaalka waxay hareeyeen guud ahaan xaafadda dagaalku ka dhacay. Balse maleyshiyada oo xogta heshay waxay ka duseen aag kale oo ciidamadda aysan joogin,” ayuu yiri qof kamid ah dadka degaanka oo GO u waramay.

Maxamednuur Cali ayaa hadalkiisa ku daray: “Ciidamadda dowladda waxay kasoo dageen Meesha ayaga oo aan gaarin hadafkooda”.

Inta la xaqiijiyey tobban qof ayaa ku geeriyootay dagaalka dhexmaray dhinacyadda hubeysan – oo ay ku jiraan caruur iyo haween. Dhaawacyadda waxaa lagu waramay in ay intaas kasii badan yihiin.

Dagaalkan ayaa kusoo hagaagay iyadda oo dhowaan Kaaraan ay kamid ahayd degmooyinka ay ka dhaceen mudaaharaadyadda maamulka madaxweyne Farmaajo looga dalbanayo doorashooyin xor iyo xalaal ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

C/kariin Ciidle oo lagu celiyay Mareykanka si uu u wajaho dacwad musuqmaasuq $250 milyan ah

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in Cabdikariim uu ka baxsaday Mareykanka kaddib markii dacwadaha lagu soo oogay sanadkii 2022.

  • Soomaliya

    17-07-2026

  • 09:13PM

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM