Ciidanka DF oo weeraray Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xasan Sheekh ayaa sheegay in hotel ay isaga iyo Sheekh Shariif ku sugnaayeen ay soo weerareen Ciidamo katirsan dowladda Soomaaliya.

Dagaal ayaa ka dhacay hotel-ka Maida kaasoo u dhaxeeya Ciidanka ilaalada u ah labada Madaxweyne hore, oo hogaaminaya mucaaradka la filayo inuu Jimcaha ka dhaco Daljirka Dahsoon.

"Ciidanka dowladda ayaa caawa weerar ku soo qaaday hotel Maida oo aan ku sugannahay aniga Sheekh Shariif. Waa nasiib darro in madaxweynaha xilkiisu dhamaaday daadinayo dhiigga muwaadiin isu diyaarinayo bannaan baxaya nabadeed oo ay aragtidooda ku cabbirayaan," ayuu yiri Xasan.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka, waxaana joogsaday markii dambe rasaasta socotay daqiiqadaha oo Muqdisho oo dhan laga maqlayay.

Farmaajo ayaa lagu eedeeyay inuu mas'uul ka yahay marxaladda uu hadda dalka ku jiro, kadib markii uu diiday inuu heshiis la gaaro Madaxda dhaliishan hanaanka uu doorashadda u maamulayo.

Mucaaradka ayaa sheegay inay qabanayaan banaanbax ballaaran oo ay ku doonayaan inay ku dalbadaan in la dedejiyo doorashadda, lana ilaaliyo dastuurka dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo Maamuli Doonta Howlgalka AUSSOM

Moalim ayaa sheegay in horumar weyn laga sameeyay sugida deegaanada muhiimka ah iyo ka saarista khataraha argagixisada.

  • Soomaliya

    28-02-2025

  • 12:07PM

Maxay uga hadleen Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed Kulankoodii Muqdisho?

Intaa waxaa dheer, labada hoggaamiye waxay soo dhaweeyeen billowga wadahadallada farsamo ee Ankara.

  • Soomaliya

    27-02-2025

  • 06:11PM