​Ciidanka DFS oo ku biiray Dagaalka Mukhtaar Roobow iyo Al shabaab

Image

XUDUR, Somalia - Ciidamada dowladda Federaalka Somalia ee ku sugan gobolka Bakool, ayaa ku biiray dagaalka u dhaxeeya Al shabaab iyo Malleeshiyada taabacsan Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur).

Taliyaha ciidamada xoogga ee gobolka Bakool Col Maxamed Xasan "Tima-Cadde", ayaa sheegay in gurmad xooggan ay u direen deegaanka Abaal, islamarkaana ay ku biiraan garabka Abuu Mansuur.

Tima-Cadde ayaa intaasi ku daray in ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay gacanta ku dhigeen deegaanka Abaal, islamarkaana ay ka difaacayaan Mukhtaar Roobow duulaanka Al shabaab.

Wuxuu xusay in Al shabaab lagu jebiyay weerar rogaal celis ah, oo shalay oo Jimco ah kusoo qaadeen Abaal, kadib markii ay iska caabin xooggan kala kulmeen Ciidamada DFS, KGS iyo xoogaga Abu Mansuur.

Wararkii ugu dambeeyay ee Warsidaha Garowe Online ka helayo Abaal ayaa sheegaya in xaaladda ay saaka degan tahay, kadib dagaalkii shalay, balse ay jiro dhaq-dhaqaaqciidan oo labad dhinac ay wadaan.

Kooxda Al shabaab ayaa dagaalyahano badan u dirtay Abaal, kuwaasi oo ay ku xoojinayso duulaankeeda ay ku doonayso inay ku disho ama kusoo qabato Mukhtaar Roobow, oo sanadkii 2013-dii kasoo goostay.

Ugu yaraan 20 dagaalayan oo labada dhinac ah ayaa ku dhimatay dagaalkii Khamiistii iyo Jimcihii ka dhacay deegaanka Abaal, oo qiyaastii 18KM dhanka Galbeed uga beegan magaalada Xudur, ee xarunta gobolka Bakool.

Duulaanka Al shabaab ee dhanka ah Abuu Mansuur waxaa hogaaminaya Sheekh Xasan Yacquub, oo ah Gudoomiyaha Kooxda ugu magacaaban Galgaduud iyo Maclin Geedow, oo u qabilsan gobollada Baay iyo Bakool iyo kuwa kale oo Madaxa Amniyaatka, Mahad Karatay uu kamid yahay.

GAROWEONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM