Ciidanka ka gadoodey kororsiga oo ka baxay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Cutubyada ka tirsan milatariga Soomaaliya ee Muqdisho u soo galay diidmadda ka dhanka ah muddo kororsiga ayaa waxay ka hayaameen magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Cutubyadan ayaa dib-ugu-laabtey xeryihii ay kasoo baxeen oo badankooda ku yaala gobolka Shabeellaha Dhexe ee hoostaga maamul goboleedka HirShabelle ee taabacsan Villa Soomaaliya.

Talaabada ay askarta u faarujiyeen goobihii ay ka dageen magaala madaxda ayaa qeyb ka ah dhaqan-gelinta heshiis ay dhowaan Muqdihso ku gaareen xukuumadda xilgaarsiinta iyo mucaaradka.

Generaal Gacmaduud oo u hadlay saraakiisha ciidamadan ayaa shaaca ka dhigay in qodobada heshiiska ku jira ay qeyb ka yihiin in hadii 
xaq daro dambe iyo muddo kororsi timaado ay soo laabtaan".

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo kamid ah sharci-dejiyeyaasha sagootiyey ciidamadda aya daaha ka rogay in mudadii ay ku sugnaayeen caasimadda aysan wax dhibaato u geysan dadka.

"Mudadii ay Ciidamadan ku sugnaayeen Muqdisho majirto qof la dhacay, qof la dilay, waxaana hadda dib ugu celineynaa furumahoodii," ayuu yiri mudanaha oo shir jaraa'id ku qabtey duleedka caasimada.

Heshiiska ay ciidamadan ku baxeen waxaa sidoo kale qeyb ka ah dib-u-habeyn lagu sameeyo hogaanka hay'addaha ammaanka taasoo la filayo in ay ka fulaan dhanka xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay colaadda ka taagan Aricadeeye, baaqna u dirtay dhinacyada

Wasaaraddu waxay ku baaqaysaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo khilaafaadka iyo dhammaan falalka hurin kara colaadda.

  • Soomaliya

    23-06-2026

  • 12:36PM