Ciidanka Kenya oo lagu weeraray duleedka Afmadow

Image

AFMADOW, Somalia - Dagaalyahanada Ururka Al shabaab ayaa weerar gaadmo ah waxay ku qaadeen maanta oo Jimco ah Kolonyo military oo ay wateen ciidanka Kenya, xilli ay marayeen duleedka degmada Afmdow.

Wararka aan ka helayno Ilo-wareedyo ku sugan Afmadow ayaa GO u xaqiijiyey in ciidanka Kenya lagu qaadey weerarka, xilli ay kasoo baxeen saldhigooda deegaanka Qalley, kuna sii jeedeen degmada Afmadow. 

Ciidamada Kenya ayaa la sheegay inay iska-caabiyeen weerarka, kadib dagaal qaatey mudo saacado ah kaasi oo sababay khasaaro gaarey labada dhinac, walow aan la ogeyn inta uu la egyahay khasaaraha. 

Deegaanka uu weerarka ka dhacay ee Qalley, wuxuu qiyaastii 18Km dhanka woqooyi uga beegan magaalada Afmadow, ee gobolka Jubbada hoose.

Warbaahinta ku hadasho afka Al shabaab ayaa sheegtey in dagaalka iyo weerarkii ka horeeyay Labo gaari looga gubay ciidamada Kenya, ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa ee AMISOM. 

Wali ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka AMISOM, oo ku saabsan weerarka ka dhacay duleedka Afmadow. 

Al shabaab ayaa mudooyinkan xoojiyay weeraradooda ka dhanka ah ciidanka dowladda Somalia iyagoo dib u qabsadey degaano ku yaal gobolka Hiraan iyo Bakool kadib markii ciidamada Ethiopia ka baxeen.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM