Libya: Tacadi loo geystay shan gabdho Soomaali ah

Image

TRIPOLI, Libya – Ururada xuquuqda aadanaha ee Libya ayaa cambaareeyay tacadiyo jinsi iyo isku-day kufsi oo lagula kacay magangalyo-dooneyaal u dhashay dalka Soomaaliya. Dowlada Liibiya ayaan ka jawaabin su'aalaha AP iyo dalabyada cambaareynta wehliso ee ka imaanaya hay’adaha.

Sida ay muujinayaan warbixinada laga helay waresiyo lala yeeshay qaarkood, waxaa lagu xiray xabsi ay dowladdu maamusho oo loogu talagalay muhaajiriinta nugul ee ku sugan Tripoli ka dib markii laga sii daayay jeelka tahriibiyeyaasha.

Hase ahaatee, intii looga booga-dhayi lahaa naxdinta ay qaadeen intii ay gacanta ugu jiray dambiilayaasha, waxaa la sheegay in si-isdaba-joog ah loogu geystay faraxumeyn jireed, sida ay sheegeen laba dhibbane oo la hadlay Associated Press

Shan gabdhood oo da 'yar, oo ay ku jiraan labada la hadlay AP, ayaa wali ku xiran xabsiga Shara al-Zawiya iyadoo hay'adda qaxootiga ee Q.M. iyo ururada kale ay ka shaqeynayaan sidii ay xorriyadooda dib ugu heli lahaayeen.

Qadiyadda Shara al-Zawiya ayaa sidoo kale dib u cusbooneysiineysay su’aalaha ku saabsan doorka Midowga Yurub ee ku xeeran rabshadaha ka dhanka ah muhaajiriinta iyo magangelyo-doonka Liibiya.

Midowga Yurub wuxuu tababaraa, qalabeeyaa oo uu taageeraa Ciidanka Ilaalada Xeebaha Liibiya "si ay uga hortagaan dadka isku dayaya inay ka tallaabaan Badweynta Dhexe ee Yurub".

Ugu yaraan 677 qof ayaa la og-yahay in ay dhinteen ama la waayay iyagoo maraya wadadan doomaha aan u cuntami karin ilaa iyo sanadkaan.

Ku dhowaad 13,000 oo isugu jira rag, dumar iyo carruur ayey ilaalada Xeebaha Liibiya dhexda u galeen kuna soo celiyeen Xeebaha Liibiya bilowgii sanadka illaa iyo 12-ka Juun, oo ah lambar rikoodh ah. Intooda badan ayaa markaa la dhigaa xarumaha ay maamusho Dowladda Caalamka Taageero.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Cambaareysay Weerarrada Iran kusii wado Dalal Khaliijka Carabta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay taageersan tahay dhammaan dadaallada nabadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka gobolka.

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 08:15PM

Laba Wasiir oo ka tirsan Dowladda Federaalka oo is casilay kadib ansixinta dastuurka cusub

“Shacabka Puntland ayaa kursigan ii igmaday,” ayuu yiri. “Ma ka mid noqon karo waxyeello gaarsiinaya iyaga iyo dowladdooda.”

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 05:33AM