Ciidanka Mareykanka oo bilaabay ka bixida Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya ayaa bilaabay ka bixitaankooda dalka waxaana loo weeciyay saldhigyo kale ee Bariga Afrika, sidda uu baahiyey telefishinka CNN.

"Waxaan amar ku bixiyey howlgelinta gudi wada jir ah, JTF-Quartz, oo laga dhisay hareeraha xarunta Taliska Howlgallada Gaarka ah-Afrika, si loo kormeero Howlgalka Octave Quartz, oo ah in si toos ah dib loogu meeleeyo ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya saldhigyo kale oo ku yaal Bariga Afrika." ayuu yiri Jeneraal Stephen Townsed, oo ah Taliyaha Taliska Mareykanka ee Afrika kaasoo war-saxaafadeed uu soo saaray Sabtidii.

Horaantii bishaan, Madaxweyne Donald Trump wuxuu ku amray inta badan ciidamada Mareykanka inay ka baxaan Soomaaliya horaantii 2021, kaasoo ahaa mid ka mid ah go'aanada siyaasadeed ee ugu waa weyn ee uu qaatay maalmihiisii ugu dambeeyay xafiiska uu joogo.

"Madaxweynaha Mareykanka wuxuu ku amray Waaxda Difaaca iyo Taliska Mareykanka ee Afrika inay xerooyin kale u wareejiyaan inta badan shaqaalaha iyo hantida ka jirta Soomaaliya horaanta sanadka 2021," ayaa lagu yiri bayaan ay Pentagon-ka xilligaas soo saartay.

Ciidamada Mareykanka ee jooga Soomaaliya waxay ugu horeyn tababaraan lana taliyaan ciidamada maxalliga ah ee Soomaaliya maadaama ay la dagaallamayaan garabka ugu weyn ee Al-Qaacida ee Al-Shabaab.

Milatariga Mareykanka ayaa sidoo kale fuliya duqeymo ka dhan ah Al-Shabaab iyo ururka Daacish ee ku sugan dalka, iyagoo ku dilay hoggaamiye sare oo ka tirsan Al-Shabaab duqeyn lala beegsaday bishii Sebtember.

Telefishanka CNN ayaa horey u tabiyey in kormeeraha guud ee Pentagon-ka uu sheegay halista argagixisada ee Bariga Afrika aysan hoos u dhicin isla markaana ciidamada Soomaaliya aysan awood u lahayn inay wajahaan khatartaas iyagoo aan taageero ka helin Mareykanka.

"In kasta oo sannado badan ay socdeen cadaadis la-dagaallanka argagixisada Soomaaliya, Mareykanka, iyo kuwa caalamiga ah, haddana halista argagixisanimo ee Bariga Afrika ma liidan: Al-Shabaab waxay xorriyad dhaqdhaqaaq ku haysataa qaybo badan oo ka mid ah koonfurta Soomaaliya waxayna muujisay karti iyo ujeedo ay ku weerari karto meel ka baxsan dalka, oo ay ku jiraan bartilmaameedka danaha Mareykanka," ayaa lagu yiri warbixinta kormeeraha guud.

Townsend ayaa qoraalkiisa Sabtidii wuxuu carrabka ku adkeeyay in "Mareykanku uusan ka tagin ama ka bixin Bariga Afrika".

"Waxaan sii wadaynaa sidii aan u caawin lahayn saaxiibadeenna Afrika si loo dhiso mustaqbal ammaan ah," ayuu yiri, isaga oo intaas ku daray "Waxaan sidoo kale awood u leenahay inaan garaacno Al-Shabaab waqtiga iyo goobta aan dooranay - ma ahan inay na tijaabiyeen".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Warbixin Cusub: Imisa duqeyn ayuu Mareykanka Soomaaliya 2025

Dhibaatooyinka dhinaca amniga ee Soomaaliya waxaa sii adkeeyay go'aan dhawaan ka soo baxay Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Bihi Iimaan Egeh.

  • Soomaliya

    06-03-2025

  • 08:53AM

Axmed Madoobe Oo Ka Dagaalka Gobolka Shabeellaha Dhexe

Dagaalka milateriga ee ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sababay dhimashada in ka badan 200 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    05-03-2025

  • 02:11PM