Ciidanka mucaaradka oo hantey jidad ku dhow Villa Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xaalad degananshiyo oo aan caga badan ku taagneyn ayaa waxaa laga dareemayaa qaybo kamid ah goobohii ay shalay iyo xalay ku dagaalameen ciidamada kala taabacsan taliska Farmaajo iyo mucaaradka.

Qax ama bakarac ay sameynayaan dadka shacabka ah ayaa laga soo warinayaa meelo kamid ah magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Warar aan la xaqiijin waxay xusayaan in waanwaan ay ka socoto daaha gedaashiisa.

Saraakiil horkaceysa ciidamadda taabacsan mucaaradka oo sheegay in ay isugu jiraan milatari, boolis iyo cutubyo kale ayaa daaha ka rogay in ay taliska Farmaajo kala wareegeen "dhul balaaran oo kamid ah caasimadda".

Isgoysyada Sayidka, Dabka iyo Bakaaraha ayay xuseen in ay si buuxda u maamulayaan. Tani, haddii la xaqiijiyo, waxay caqabad ku tahay Madaxtooyada Soomaaliya oo jidadkaas ahmiyad gooniya u leh.

Cabdiqaadir Maxamed Warsame, mid kamid ah saraakiisha horkaceysa ciidamadda mucaaradka oo sheegtay in uu yahay Gaashaanle Sare, ayaa ku goodiyey in ay la wareegayaan madaxtooyadda Soomaaliya.

"Xal aan dagaal ahayn ma hayno. Illaa aan ka dhimano waan la dagaalameynaa diktaatoor Farmaajo oo raba in uu waddanka ku xukumo sharci darro. Qorshaheenu waa in aan galno madaxtooyadda," ayuu yiri Cabdiqaadir.

Dadka degaanka ayaa u sheegay Garowe Online in korontada iyo biyaha laga jartay xaafadaha ay saameeyeen isku-dhacyadda. Ciidanka dowladda waxaa la sheegay in ay ka baxeen goobihii ay shalay iyo xalay joogeen.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo walaac ka muujiyey isku-dhacyada ka qarxay Muqdisho ayaa ku baaqay is-xakameyn iyo xasilooni hoostana ka xariiqay in rabshado aysan xal u ahayn is-mari-waaga siyaasadeed ee hadda taagan.

"Waxaan si deg-deg ah ugu baaqeynaa dhaman dhinacyada in ay sidda ugu dhaqsiyaha badan dib ugu bilaabaan wadaxaajoodyada," ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay barta Twitter-ka ee xafiiska UN-ka ee Soomaaliya.

Sikastaba ha ahaatee, xaaladda Muqdisho oo u muuqaneysa mid ay kusii fidayaan isku-dhacyadda ayaa la filayaa in ay kasii dari karto sidda ay haatan tahay haddii uusan imaan xal ama aysan isu tanaasulin siyaasiyiinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Daacish kala wareegay Saldhigyo Muhiim ah

Ciidamada Puntland ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dadaalka ay ugu jiraan sidii ay uga cirib tiri lahaayeen kooxaha argagixisada gobolka Bari.

  • Soomaliya

    25-02-2025

  • 10:33AM

Libya iyo Soomaaliya oo Kawada Hadlay Iskaashiga Laba Geesood ah

Soomaaliya ayaa dhawaan ka baxday liiska dalalka daymaha haya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka dib 35 sano.

  • Soomaliya

    24-02-2025

  • 01:50PM