Ciidanka oo guulo ka sheegtay dagaal ay la galeen Al-Shabaab

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Milatariga Soomaaliya ayaa guulo waaweyn ka sheegtay dagaalo ay todobaadyaddii lasoo dhaafay maleyshiyada Al-Shabaab kula galeen gobolka Shabeellaha Dhexe, koonfurta dalka.

Gaashaanle Sare Cali Xaashi Cabdi, afhayeenka ciidamada Soomaaliya oo u waramay idaacadda ku hadasha afka milatariga, ayaa carabka ku adkeeyay "in ay jab xoogan gaarsiiyey nabadiidka".

Isku-dhacyadda ayaa, sida uu tibaaxay afhayeenka, waxay ka dhaceen degaanka Quruc-Madoobe, Waxaxley, Cali Fooldheere oo dhamaantooda hoostaga dowlad goboleedka HirShabelle.

"Dhulkaas oo ah mid keyn ah oo hood ah waxaa lagu dilay 17 dagaalameyaal. Haddana dagaalka waa socdaa waxaana ka go'an ciidanka Soomaaliyeed in uu gobolada ka xorreeyo nabad-diidka Shabaab," ayuu yiri.

Sida laga soo xigtay Mr Cabdi, dadweynaha ayaa looga digay in ay ka fogaadaan goobaha ay dagaaladdu ka socdaan. Dhinacyada waxay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

"Markii ciidamadda ay galeen hoodka waxaa lagu arkay meydadka nabad-diidka oo shan iyo todoba isku-daba-yaala; iyo dhaawac badan oo ay meesha ku jiiteen oo raadkoodu meesha ku yaalo," ayuu tibaaxay.

Iyadda oo aysan jirin cid madax-banaan oo xaqiijin karta sheegashooyinka afhayeenka, haddana ma jiro wax war ah oo ku saabsan dagaaladan oo kasoo baxay dhanka ururka gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida.

Ciidamada Soomaaliya ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay waxay sare u qaadeen howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab iyadda oo talaabadan ay u muuqaneyso mid lagu xaqiijinayo ammaanka doorashooyinka soo aadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo Turkiga ku Eedeysay Faragelin

Madaxda Somaliland ayaa u arka tallaabooyinkan inay qayb ka yihiin dadaallo lagu daciifinayo maamulka.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 12:20PM

Dowladda Soomaaliya oo Abaabul Dagaal Ka Wada Shabeellaha Dhexe

Ololahan cusub ayaa qayb ka ah ballanqaadkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa inuu qaado.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 11:31AM