Ciidanka oo guulo ka sheegtay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa guulo ka sheegtay howlgal ay Arbacada maanta ah ka fuliyeen duleedka koonfureed ee caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb.

Taliska qeybta 21aad ee milatariga Soomaaliya oo xusay in ciidanka ka duulay tuulada Sinadhaqo ayaa ay guuleysteen gacan ku qabashada degaanada Labi-dulle iyo Dhabana-dhulkuheys.

Sidda laga soo xigtay qoraal kasoo baxay taliska qeybta 21aad, xoogaga Al-Shabaab ee gacansaarka la leh maleyshiyadda Al-Qaacida ayaa halkaas ka abaabuli jiray weerarada gaadmada.

"Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed oo howlgalka qaadey iyagoo xogo ka helay dadka shacabka ah waxay sidoo kale ay howlgalkaas ku dileen lix kamid ah argagixisada," ayaa la raaciyey bayaanka.

War-saxaafadeedka oo aan lagu soo hadal-qaadin waxyeeladda ciidamadda kasoo gaarey iska hor-imaadka ayaa intaas lagu daray in askarta ay howlgalka kusoo furteen saanad ciidan.

"Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed wuxuu sii wadayaa howlgalada lagu baacsanayo kooxaha argagixisada ah illaa raadka khawaariijta laga soo afjarayo," ayaa lagu soo xiray warka qoraalka ah.

Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan howlgalkan oo kasoo baxay dhanka Al-Shabaab oo aalaaba looga bartay in aysan ka hadlin dagaaladda khasaarahooda ku badan yahay.

Howlgalkan ay fuliyeen ciidamadda dowladda ayaa kusoo hagaagaya xilli dalku isku-diyaarinayo doorashooyin oo maamulada kaalintoodu tahay soo xulista xubnaha baarlamaanka todobaad ee labadiisa gole.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM