Ciidanka oo looga baaqay in siyaasadda dibad joog ka noqdaan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Musharax madaxwayne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ugu baaqay ciidamadda Soomaaliya inay dibad-joog ka noqdaan is-mari-waaga siyaasadeed ee dalku wajahayo waqti xaadirkan.

Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir oo qoraal ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa daaha ka rogay in ay hayaan magacyadda saraakiil uu sheegay in ay "si nacasnimo leh ugu shaqeeyaa maamulka Farmaajo".

Wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya ayaa cod dheer ugu mahadceliyey saraakiil uu sheegay in ay diideen gelida dagaal siyaasadeed.

"Maadaama siyaasada dalkeenna ay 4.5 ku qaybsan tahay, ninkii ciidanka siyaasadda soo dhexgeliya ayaa Qabiil u qaybiyey. Waxaan ugu baaqayaa Ciidanka Qalabka Sida in ay siyaasadda dibad joog ka noqdaan," ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray: "Waxaan si dhow ula socanaa hawlgalada ciidan, gaar ahaan Gorgor ee laga soo celiyey furimaha dagaalka cadawga Alshabaab, si loogu adeegsado weeraro lagu qaado siyaasiyiin iyo saraakiil ciidan".

"Waxaan u mahadcelinayaa saraakiisha iyo askarta diidday in dagaalka siyaasadeed galaan, iyagoo ku dooday in aysan jirin sabab ay furimaha dagaalka cadawga looga soo saaro, si ay siyaasiyiin iyo deegaano shacab ugu duulaan," ayuu xusay.

Warsame ayaa kusoo gabagabeeyay hadalkiisa: "Waan la soconaa magacyadooda iyo ciidanka ay ka tirsan yihiin. Waxaan kaloo la soconaa kuwa sida nacasnimada leh ugu shaqeeya hoggaamiye kooxeed Maxamad Farmaajo".

Madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Farmaajo ayaa lagu eedeeyay in uu siyaasadeeyay ciidamadda isla markaana uu u adeegsanayo sidii uu xukunka baaqi ugu sii ahaan lahaa, taasoo ay si weyn uga digeen mucaaradka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM