Ciidanka Soomaaliya oo dad kasoo watay tuulo ay maamusho Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab oo ay wehliyaan kuwa cadaan oo loo maleynayo Ameerikaan ayaa habeenimadii Khamiista howlgal ka fuliyey degaanka Farsooley ee Shabeelaha Hoose.

Sidda ay xaqiijiyeen illo wareedyo dhanka amaanka ah iyo dadka degaanka, howlgalka ayaa waxa uu isugu jiray duqeyn iyo mid ay xoogaga qaab lug ah ay ku galeen tuulada oo kamida dhulka ay maamusho Al-Shabaab.

Weerarka cirka oo aan la xaqiijin fahfaahinta khasaaraha ayaa la sheegay in lagu beegsaday bartilmaameedyo ay lagu tuhmayo in ay ku suganaayeen dagaalameyaal ka tirsan maleyshiyaadka xiriirka la leh Al-Qaacida.

Ciidanka huwanta ah ee kasoo baxay saldhiga Beledoogle ee isla gobolka ayaa lagu waramayaa in ay kasoo wateen degaanka saddex ruux, kuwaasi ay uga shakiyeen in ay ka tirsan yihiin xoogaga argagixisada ah.

Balse dadka degaanka ayaa ku doodaya in xubnahaasi ay ciidamada soo wateen oo la sheegay in la geeyay saldhiga Beladoogle ay ahaayeen beeraley "aan wax lug ah ku lahayn ama xiriir ah la lahayn Al-Shabaab".

"Duqeymaha dhanka cirka ayay ahaayeen, waxa degaanka soo galay ee dadka watay waa ciidamada Soomaaliya," ayuu yiri qof tirsan degaanka, kaasi oo magaciisa khariyey sababo la xiriirta dhanka amniga.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in saddex ruux ee ay soo xireen ciidamada la geeyay saldhiga Beladoogle oo uu maamulo milatariga Mareykanka.

Geesta kale, Al-Shabaab oo howlgalkaasi ku eedeysay Mareykanka ayaa tibaaxday in duqeynta lagu dilay saddex ruux oo shacab ahaa, inkasta oo aysan soo bandhigin caddeymo muujinaya sheegashadeeda.

Ma jirto wax war ah oo ku saabsan gulufkaan oo kasoo baxay taliska Mareykanka ee qaarada Afrika. Inkasta oo isku dayo uu warsidaha Garowe Online sameeyay si uu wax uga waydiiyo aysan suurtogelin.

Tuulada Farsooley ayaa kamida dhulka ay sida aadka ugu xoogan tahay Al-Shabaab, waxay u muuqataa ciidamada Soomaaliya ay ku galeen iyaga oo adeegsanaya diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Helicopter-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweeney Lagu Xukumay 15 Sano ka Dib Ururinta $1.2 Milyan oo Al-Shabaab loogu Maalgaliyay

“Dhammaan dadka ku lugta leh falalkan halista ah waxaa la horkeeni doonaa sharciga si cadaaladda loo waafajiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska.

  • Soomaliya

    16-09-2025

  • 11:46AM

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM