Ciidanka South Korea ee jooga badda Soomaaliya oo mudada loo kordhiyey

Image

SEOUL, South Korea – Guddiga Difaaca baarlamaanka Kuuriyadda Koonfureed ayaa Jimcadii wuxuu meelmariyey in muddo kordhin loo sameeyo ciidamadda dalkaas ka jooga Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Mareega Yonhap ayaa wxuu daaha ka rogay in ansixinta ay timid ka gedaal markii ay xukuumadda Seoul codsi u dirtay sharci-dejinta, waxaana ay intaas ku dartay in la kordhin doono ciidamadda lagu daabulayo dalalkan.

Ciidamadda Kuuriyadda Koonfureed ayaa ka howlgala biyaha Soomaaliya waxaana ay qeyb-qaata howlgalka la dagaalanka burcad-badeeda oo wadamo reer Galbeed ay hormuud ka yihiin howlgalkaas.

Muddo xileedka cusub ee la siiyey taliska ayaa ku suntay dhamaadka sanadka 2021-ka, sidda ku xusan warbixinta ay warisay majaladda.

Sanadkii 2009-kii ayay ahayd markii ugu horeysay oo Kuuriyadda Koonfureed kusoo biirtey howlgalkaan "qeybta ka ah dedaaladda caalamiga ah ee gobolka looga ciribtirayo fal-dambiyeedyadda ka dhaca badda".

Xilli ay ka howlgalkaan Gacanka Caddan iyo Strait of Hormuz, tiradda guutadda ciidamadda South Korea ee jooga biyaha Soomaaliya ayaan la ogeyn balse waxaa la aaminsan yahay in ay kor-u-dhaafayaan boqol askari.

"In ciidamo loo diro dibadda waxaa sanad kasta cusbooneysiiya guddiyadda baarlamaaniga ah. Muddo kordhinta waxaa aakhiritaakii lagu ansixiyaa fadhi guud oo uu yeesho Golaha Guud ee baarlamaanka," ayuu kusoo xiray.

Japan ayaa horaantii bishaan November waxay sidaan oo kale hal sano oo cusbooneysiin ah u sameysay ciidamadda ka jooga biyaha Soomaaliya kuwaasoo ka qeyb-qaata howlgaladda la dagaalanka shufta badeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay kulan Gollaha Mustaqbalka

Madaxtooyadu waxay sheegtay in ajendaha kulanka uu ku saleysan yahay dardargelinta geeddi-socodka dowlad-dhiska.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 08:07PM

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM