Ciidanka Villa Soomalaiya oo dad badan kusoo xiray howlgal

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ciidamadda Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa xalay xaafadaha ku teedsan Aqalka looga arimiyo waddanka waxay ka sameeyeen howlgal saf-ballaaran oo guri-guri ah kaasoo ay kusoo qabqabteen boqolaal dhalinyaro ah, sida ay xaqiijiyeen saraakiil dhanka amniga ah.

Howlgalka oo bilowday xalay saqdii dhexe ayaa, sidda ay xoguhu muujinayaan, wuxuu soo gaarey aroornimadii Arbacada maanta ah.

Sidda laga soo xigtay warbixintadda, meelaha uu saameeyay howlgalkaas aan la ogeyn sababta dhabta ah ee soo dejisay waxaa kamid ah degmadda Boondheere iyo xaafadaha kale ee ay Madaxtooyadda ku fidday.

"Dadka lagu soo qabqabtay howlgalkaas ay qaadeen ciidamaddan loo yaqaano Koofiya Casta ayaa la isugu keenay Barxadda Iskaashatooyinka. Dhalinyaro afka u xiran tahay oo ka tirsan dharcadka hay’adda sirdoonka NISA ayaa dhowr far-muuqay kuwaasoo la watay," ayay sheegeen saraakiisha.

Shaqsiyaadkaas lala baxay oo tirdooda aysan caddeyn ayaa, sidda ay macluumaadyadda tibaaxayaan, waxaa loo dhaadhiciyey xabsiga ciidamadda Madaxtooyadda halkaasoo ay ku wajahayaan su'aallo waydiin.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaan wali wax war ah kasoo saarin howlgalkaas. Isku dayo xiriir uu GO kula sameyn lahaa ayaan guuleysan.

Dhaqdhaqaaqaas ciidan ayaa kusoo hagaagaya xilli maalmihii u dambeeyay ay caasimadda ka dhaceen falal liddiga ku ah nabad-gelyadda oo ay kamid tahay hoobiyeyaal lagu weeraray xeyndaabka xerada Xalane oo ay degan yihiin madaxwayneyaasha dowladdaha Puntland iyo Jubaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM