Ciidanka xooga oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Hoose

Image

MARKA, Soomaaliya - Taliska Guutadda 12-ka April ee ciidanka xooga dalka Soomaaliya ayaa guulo ka sheegtay howlgalo ay fuliyeen degaanadda Gandershe iyo Jilib Marka oo katirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliyaha ururka 15aad ee qeybta 12-April ee Ciidanka xoogga dalka Gaashaanle sare Maxamed Maxamuud Guutaale ayaa u sheegay warbaahinta dowladda in howlgaladaan ay ku "burburiyeen" xarumo ay degaanadaasi ku lahayd Kooxda Al-Shabaab.

Wuxuu tilmaamay in saldhiyadda ay cagta mariyeen ay ahaayeen kuwa Al-Shabaab ka abaabuli jirtay weerarada ay ka fuliso gobolka, iyo meelo kale oo ka tirsan dalka Soomaaliya, sida magaalada Muqdisho.

"Ciidamada xooga dalka oo aan wehlin AMISOM ayaa howlgaladaan ka fuliyay Gandershe iyo Jilib Marka, iyagoo beegsaday fariisamaha Al-Shabaab ay kasoo abaabuli jirta weerarada ay ku qaado saldhigyada Ciidamada," ayuu yiri Guutaale.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada dowlaladda ay iska-caabin kala kulmeen Al-Shabaab, islamarkaana ay labada dhinac dagaal kooban uu ku dhexmaray degaanadan, uu Taliyaha sheegay inay weerarka ku qaadeen.

Labadan degaan ayaa waxay dhacaan xeebta dheer ee u dhaxaysa Muqdisho iyo magaaladA Marka, oo ah caasimadda gobolka Shabeellaha Hoose.

Kooxda Al-Shabaab illaa iyo haatan wax war ah kama aysan soo saarin sheegashooyinka ka imaanaya Taliska ciidamada xooga dalka Soomaaliya, ee ku aadan in laga burburin fariisamo gobolka ku lahaa.

Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa kamid ah meelaha ugu amaanka xun Soomaaliya, waxaana qeyb ahaan xukunta Al-Shabaab, inkasta oo dowladdu wado olale ay ku dooneyso inay ku xorreyso gobolka oo dhan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM