Cirfo: "Dhuusomareeb dhowaan ayaan dib ula wareegaynaa"

Image

June 10, 2015 (GO)- Guddoomiyaha gobolka Galguduud Xuseen Cali Weheliye (Cirfo) ayaa sheegay inuu socdo qorshe ciidamada Dowladda Federaalku dib ugu qabsanayaan magaalada Dhuusomareeb, taasoo maalmo kahor ay la wareegeen mileeshiyaad ka tirsan Ahlu Sunna Waljamaaca.

"fallaago ayaa qabsatay degmada ee ma qabsan Ahlusunna. Deegaan nabad ah kuma duusho Ahlusunna, waxaana dhawaan rajeyneynaa in Dhuuso-mareeb ay dib gacanteenna ugu soo laabato" ayuu yiri.

Cirfo wuxuu nasiib darro ku tilmaamay in xiisad laga abuuro magaalo nabad ah islamarkaana u sharraxan inay noqoto caasimadda maamulka loo dhisayo Galguduud iyo koonfurta Mudug.

Af-hayeen u hadlay Ahlu Sunna ayaa sheegay inaysan ka bixi doonin magaalada Dhuusomareeb iyo dhammaan deegaanada kale ee ay ka xoreysteen Al-shabaab, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa ku baaqay in la dejiyo xiisadda kasoo cusboonaatey Galguduud, isagoo ugu baaqay Ahlu Sunna inay ciidamadooda kala baxaan d

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM