Cirfo: "Dhuusomareeb dhowaan ayaan dib ula wareegaynaa"

Image

June 10, 2015 (GO)- Guddoomiyaha gobolka Galguduud Xuseen Cali Weheliye (Cirfo) ayaa sheegay inuu socdo qorshe ciidamada Dowladda Federaalku dib ugu qabsanayaan magaalada Dhuusomareeb, taasoo maalmo kahor ay la wareegeen mileeshiyaad ka tirsan Ahlu Sunna Waljamaaca.

"fallaago ayaa qabsatay degmada ee ma qabsan Ahlusunna. Deegaan nabad ah kuma duusho Ahlusunna, waxaana dhawaan rajeyneynaa in Dhuuso-mareeb ay dib gacanteenna ugu soo laabato" ayuu yiri.

Cirfo wuxuu nasiib darro ku tilmaamay in xiisad laga abuuro magaalo nabad ah islamarkaana u sharraxan inay noqoto caasimadda maamulka loo dhisayo Galguduud iyo koonfurta Mudug.

Af-hayeen u hadlay Ahlu Sunna ayaa sheegay inaysan ka bixi doonin magaalada Dhuusomareeb iyo dhammaan deegaanada kale ee ay ka xoreysteen Al-shabaab, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa ku baaqay in la dejiyo xiisadda kasoo cusboonaatey Galguduud, isagoo ugu baaqay Ahlu Sunna inay ciidamadooda kala baxaan d

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM