Cod u qaadista mooshinka ka dhanka ah Jubaland oo dib loo dhigey

Image

May 23, 2015 (GO)- Waxaa maanta baaqday fadhigii xildhibaannada baarlammaanka Dowladda Federaalku codka ugu qaadi lahaayeen mooshinka ka dhanka ah baarlamaanka Jubaland.

Sababta cod-u-qaadista mooshinku u baaqdey ayaa ah kadib markii uu soo buuxsami waayey kooramku.

Dhanka kale, Guddoomiyaha baarlammaanka Maxamed Sheekh Cismaaan Jawaari ayaa barlammaanka u akhriyey codsi ka yimid xukuumadda kaasoo lagu dalbanayey in muddo labo todobaad ah  dib loo dhigo cod u qaadista mooshinka.

Xildibaannada mooshinka soo gudbiyey ayaa ku gacan sayrey codsigaas iyagoo ku adkeystey in la sii wado cod u qaadista mooshinka laga keenay baarlamaanka Jubaland.

Mooshinkan oo ah kii ugu horreeyey noociisa waxay xildhibaannada soo gudbiyey dalbanayaan in dib u eegis lagu sameeyo qaabka lagu soo xulay baarlamaanka Jubaland oo sida ay ku doodayaan ah mid aan waafaqsaneyn dastuurka federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM