​Codaynta oo socota iyo 4 murashax oo isugu soo haray doorashada Labada Jago

Image

MUQDISHU, Somalia- Xildhibaanada Barlamanka Somalia, ayaa bilaabay codayntooda ku aadan murashaxiinta u taagan xilka Guddoomiye ku-xigeenka 1aad iyo kan 2aad ee golaha shacabka, kuwaasoo usoo gudbay wareegga labaad oo ay isugu soo hareen min labo Murashax.

Xilka Guddoomiye ku-xigeenka 1aad, waxaa isugu soo haray Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo Cabdiwali Sheekh Ibrahim Muudey, waxaan jagaadaas ka tanaasushay Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Siciid Xuseen Ciid.

Dhinaca Guddoomiye ku-xigeenka labaad, waxaa ku tartamaya Mahad Cabdalla Cawad iyo Cabdulqaadir Sheekh Cali Baqdaadi, waxaana booskaas ka tanaasulay Burhaan Aadan Cumar iyo Cabdiraxmaan Aadan Ibrahim Ibi.

Guddoonka guddiga doorashada Barlamanka Somalia, ayaa ku dhawaaqay natiijada, waxayna sheegeen in xubnahan yihiin kuwa ugu cod-badnaa.

Doorashada, ayaa ka adag tii shalay dhacday, waxaana aad isugu dhow murashiinta gaar ahaan kuwa hadda isu soo haray, waxaana ilaa hadda la saadaalinayaan inay boosaskan kusoo bixi karaan Mahad Cabdalla Cawad iyo Muudeey, inkastoo loollan hoose la sameeyay mudadii saaladda la jiray oo saadaashu isbadali karto.

Warsidaha GO, ayaa idin lasocodsiin doona natiijada doorashada Barlamanka ee kasocota magaalada Muqdishu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM