Codbixinta Madaxweynaha maamulka Hir-Shabelle oo ka socota Jowhar

Image

JOWHAR, Somalia - Waxaa ka socda hoolka shirarka magaalada Jowhar doorashadii Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ee maamulka loogu magac darey Hir-Shabeela 

Codbixinta Madaxweynaha maamulkaas oo iminka lagu guddo jiro ayaa waxaa ku sugan goobtaas wasarada arumaha gudaha Fedealka saraakiil ka socota kuwasoo hogaaminayo wasiirkii xillku ka dhamaadey Odawaa.

Doorashadaan ayaa xubnaha u tartamaya xilka Madaxweynaha maamulka Hir-Shabelle waxaa ay kala yihiin; Maxamed Cabdi Waare, Cali C/llaahi Cosoble (Musharax taageero ka haysta Villa Somalia); Cali Maxa'ed Caraale halka Musharaxiinta Madaxweyne Ku xigeen  u tartameysa kala yihiin; Cali C/lllaahi Xusen Guudlaawe, oo hadda ah Gudoomiyiha Shabeelle dhexe; Cali Xasan Taakow oo ah Ninkii maalintii Jimcaha ee la soodhaafay xooga kulaa wareegay Hoolka Shirka. 

Xildhibaanno gaaraya 90 Mudane, ayaa ka qeyb qaadanaya coddbixintaan.

Warsidaha Garowe Online kala soco natiijada doorashadaan.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Madaxweyne Deni oo tababar u furay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland

Tababarka loo furay guutada saddexaad ayaa ka dhacay xarunta tababarka ciidamada ee Xorgoble ee magaalada Qardho.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 06:22PM

Garsoore Soomaaliyeed Cumar Cartan oo loo xushay Koobka Adduunka 2026

Cumar Cartan ayaa si kooban uga falceliyay warka, isaga oo boggiisa Facebook ku qoray “Alhamdulillah,”.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 05:06PM